Wakiilada oo Shahaado Sharaf ku Maamuusay Wasiirka Maaliyada kuna amaanay Wakhtiga uu Golahooda u Soo Gudbiyay Odoroska Miisaaniyada
Hargaysa 02.October 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda Jamhuuriyada Somaliland oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Mudane Cabadiraxamaan Maxamed Cabdilaahi [ Cirro] ayaa waxa mudanayaasha golahaasi ay gudoonsiiyeen shahaado sharaf wasiirka wasaardda maaliyadda j sl mudane cabdi casiis maxamed samaale
Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa fadhigooda maanta ee ay wasiirka wasaarada maaliyada ku gudoonsiiyeen shahaado sharfta ku sababeeyay shaqo wanaag ay ku tilmaameen inuu yahay wasiirkii u horeeyay ee miisaaniyadda qaranaka ku hor keena golaha wakiilada wakhti ka horeeya xiliga dastuurku uu qoondeeyay oo ku beegan bisha tobnaadee sanad kasta.
Waxaanay shahaadada ka dib mudanayaasha golahu ay halkaasi ku weydiiyeen wasiirka su aalo la xidhiidha miisanaiyada qaranka ee 2014 ee uu golaha hor keenay halkaasoo wasiirku kaga jawaabay dhamaan su aalihiii ay weydiiyeen mudanayaashy .
Gabagabadii wasiirka wasaaradda maaliyyada j sl cabdi casiis maxamed samaale ayaa halaasi uggu mahad celiyay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com