|

Uhuru Kenyata oo Jawaab isku mid ah siiyay Dawlada Soomaaliya iyo Al Shabaab:Ciidamadeenu kama baxayaan Soomaaliya

Nairobi Oct 02,2013(SDN)-Maadaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka jawaabay dalabaad ka soo yeeray kooxda Al Shabaab iyo dawlada Soomaaliya oo uu sheegay in labaduba doonayaan in ciidamada dalka Kenya ay Soomaaliya isaga baxaan.

Madaxweynaha oo hadalkan ka jeediiyay kulan uu Nairobi kula qaatay culimada dalkaasi ee diimaha kala duwan ayaa hadalkiisu caro ka muuqatay.

Caradaas oo ka dhalatay weerar Shabaabku sheegeen oo ka dhacay xarunta ganacsiga ee Westgate Mall oo muujiyay debecsanaanta ciidamada amniga ee dalka Kenya.

“Hadii ay doonayaan in ciidamadeenu dalkooda ka baxaan,saaxiibayaal waxa qura ay u baahan yihiin in ay sameeyaan waxay u baahnaayeen in ay 20 sanadood ka hor sameeyaan oo ah in ay aqalkooda hagaagsadaan”ayuu yiri madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya oo codkiisa sare u sii qaaday ayaa waxa uu kiyoo hadalkiisa sii wata yiri.

“Hadii aan Xusuusiyo(Somalida) in ay iyaga ahaayeen cida goaansatay in ay Kenya yimaadaan ka dib kolkii ay u dulqaadan kari waayeen gumaadka dalkooda ka socda,uma aanu tegin iyagaa nooyimi.”ayuu yiri Kenyatta oo hadalkiisa Caro ka muuqato.

Madaxweyne Kenyatta ayaa mar uu ka jawabayay  dalabka ah in in ciidamada dawlada Kenya ay Soomaaliya ka baxaan waxa uu yiri.

“Waxaan doonayaa in aan si cad u iraahdo waanu joogeynaa Soomaaliya inta ay dalkooda ka hagaajinayaan”ayuu yiri madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dawlada Soomaaliya ayaa dalbatay in ciidamada Kenya ay ka baxaan Jubooyinka xili ay jirtay xurguf siyaasadeed oo u dhexeysay maamulka Jubaland iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale kooxda Al Shabaab ayaa weerarkii ay ku qaaday Westgate Mall waxa ay ku sababeysay in dawlada Kenya ay ka dhego adeygtay dalkoodii ku wejehnaa in ay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya.

Dawlada Soomaaliya ayaan ilaa iyo haatan ka Jawaabin hadalkan ka soo yeeray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed