Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo la kulantay dhigeeda Canada
Ottawa Oct 02,2013(SDN)-Raiisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya isla markaana ah Wasiirada arrimaha dibedda ee dalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Yusuf Xaji Adan oo caasimada Canada Booqasho ku joogta ayaa kulan la qaadatay wasiirka arrimaha dibedda ee Canada John Baird.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada dal oo hakad galay ka dib kolkii ciidamo Canada ka socda oo qeyb ka ahaa ciidamadii Qaramada Midoobey Soomaaliya u dirtay ee UNISOM ay xadgudubyo ka geysteen magaalada Baladweyne sanadii 1993dii.
Wasiirka arrimaha dibedda Canada ayaa sheegay in haatan ay dar dar gelinayaan xiriirka labada dal ee aan mudada badan jirin.
Heshiiskan oo uu soo dedejiyay weerarkii dhawaanta ay Shabaabku sheegteen ee lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall iyo dedaalada dawlada cusub ee Soomaaliya.
Wasiir Baird ayaa shaaciyay in dawlada Canada ay Soomaaliya ugu yabiihday 5 million oo dollar oo lagu xasilinayo Soomaaliya.
Wasiirada Ariimaha dibedda ee dalka Soomaaliya Marwo Fawsiya Xaaji Aadan oo iyana kulanka ka hadashay ayaa soo bandhigtay horumarka xukuumadeedu ku talaabsatay mudadii koobneyd ee ay talada dalka heysay.
Wasiiradu waxa ay sheegtay in kooxda Shabaab laga guuleystay iyo in aaney burcad badeedii Soomaalidu afduubasho geysan mudo iminka laga joogo sanad.
Wasiiradu waxa ay sidoo kale sheegtay in dawladeedu qorsheyneyso in ay safiir u soo dirato dalkan Canada isla markaana ay dooneyso i dib loo soo celiyo xiriirkii labada dal.
Canada ayaa hore u maalgelisay ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya ku sugan,sidoo kalena gacan ka geysatay hawlaha gargaarka biniadamnimo ee Soomaaliya.
SDN-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com