|

Dhismaha Madaarka Boosaaso oo Qandharaas la dhigay isla markaana ay ku tartamayaan Labaatan Shirkadood

Boosaaso 01.Oct  2013 (SDN)- Qandaraaska dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa  la soo bandhigay iyadoo ay ku tartamayaan 20 shirkadood oo caalami ah.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, isimada gobolka Bari,  ganacsato iyo qeybaha bulshada rayidka.

Qandaraaska-dhismaha-garoonka-Boosaaso-300x225Dowladda Talyaaniga ayaa ku deeqday dhaqaalaha ku baxaya dhismaha casriyeynta garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso,  waxayna dhaqaalaha u soo marisay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan adeegyada mashaariicda ee UNOPS.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda duulista iyo garoomada Puntland Cabdiqani Geelle oo ka qeyb-galay munaasabadda soo bandhigidda qandaraaska ayaa sheegay in bulshada gobolka Bari ay qeyb weyn ku yeelan doonto dhismaha casriyeynta garoonka diyaaradaha.

Wasiirk ku xigeenka wuxuu intaas raaciyay  in maamulka Puntland uu wado qorshayaal dayactir iyo dhismo loogu sameynayo garoomada diyaaradah ee Puntland.

Mashruuca qandaraaska dhismaha garooka diyaaradaha ee Bender Qaasim ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu soo bandhigay goob fagaare ah si loo ogaado shirkadda ku guuleysata dhismaha garoonka.

Boosaaso SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed