Ra’isal Wasaaraha Somalia oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho Socdaal uu ugu Maqnaa Wadamada Yurub
Muqdisho 01.Oct 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu laabtay Muqdisho kaddib safarro shaqo oo ay ku tageen dalalka Switzerland iyo Turkey.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa si diiran ugu soo dhoweeyay raysul wasaaraha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Shirdoon ayaa safarkii ugu horreeyay ku tagay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas oo uu uga qeyb-galay shirka horumarinta xuquuqda bini’aadamka, isagoo shirka ka jeediyay khudbo uu kaga hadlay doorka xukuumaddiisa ee horumarinta ilaalinta xuquuqda bini’aadamka.
Raysul wasaaraha ayaa sidoo kale safar afar maalmood qaatay ku tagay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, wuxuuna la kulmay raysul wasaaraha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan.
Isagoo ka hadlayay garoonka diyaaradaha, Shirdoon wuxuu ku ammaanay dowladda Turkiga kaalmada ay siinayso Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu kala hadlay madaxda dalkaas sidii ay u sii wadi lahaayeen taageeridda shacabka Soomaalida.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com