Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Gudida Qaadhaan Ururinta Wadada Ceerigaabo
Hargaysa 01.Oct 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mundane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Guddi qaadhaan Ururin ah u magacaabay dhismaha Waddada Ceerigaab.
Madaxweynuhu Xubnaha uu Magacaabay waxa uu kula dardaarmay inay u hawl galaan Sidii loo rumayn lahaa Wadada uu dhawaan dhagax dhigay ee Isku Xidhaysa Gobolada Sanaag iyo Togdheer waxaana qoraalkiisa ku Yidhi
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan-tahay horumarinta Dalka, gaar ahaan dhinacyada kala duwan ee adeegga bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Haddaba, waxa socda ollolaha wadada Ceerigaabo oo aan dhawaan dhagax-dhigay, wadadaas oo Dalka u leh muhiimad weyn, wax-weyna ka taraysa dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku xidhka Dalka.
Sidaas darteed Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaadhaan Ururinta iyo Abaabulka Dhismaha Wadada Ceerigaabo, waxaana Guddoomiye idiin noqon doonna Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda.
Waxaan idiin ku dardaarayaa dedaal iyo isku-duubni, waxaanan idiin rajaynayaa guul.
Hargaysa SDN,
Qurbejoog.com