|

Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Soo Gaadhsiiyey Dacwad Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheeh

 

Muqdisho:1-Oct-2013(SDN)-Xafiiska uu Magaalada Muqdisho Ku leeyahay Guddomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed SHEEKH Cismaan JAWAARI ayaa waxaa la soo gaadhsiiyay dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

 

jawaarigaDacwadaan, ayaa waxaa soo gudbisay Hay’adda Garsoorka ee Qaranka, waxayna dacwadu ka dhalatay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo meesha ka saaray xukun ay horaantii bishan ridday Maxkamadda Sare ee dalka.

 

Xukunka Maxkamada, ayaa ahaa in muddo shan bilood oo dheeri ah, ay Garoonka Aadan Cadde ka sii hawlgasho Shirkaddii gacanta ku heysay Garoonka Aadan Cadde ee SKA.

 

Laakiin Madaxweynaha oo taasi ka biyo diiday, ayaa wuxuu go’aamiyay in Garoonka lagu wareejiyo shirkadda dalka Turkiga laga leeyahay ee FAVORI. Taasoo balanqaaday in muddo 8 bilood ah, ay ku horumarin doonto Garoonka.

 

Hoggaanka Garsoorka oo cadho ka muujiyay sida uu Madaxweynuhu uga horyimid xukunka ay ridday Maxkamada sare ee dalka, ayaa warqad dacwad ah ka soo gudbiyay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Gudoonka Baarlamaanka, ayaa waxaa laga dalbaday bal inay u yeedhaan Madaxweyne Xasan Sheekh, isla-markaana ay su’aalo ka weydiiyeen, waxa uu ku naqdiyay xukunka Maxkamada Sare.

 

Ilo muhiim ah, oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka la keenay, warqada dacwada ah ee ay soo gudbisay Hay’adda Garsoorka.

 

Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli muddooyinkan, uu mad madow soo kala dhex galay Afhayeenka Baarlamaanka Federalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

 

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed