|

Wasiirka Duulista Somaliland Oo Dawladda Kuwait La Saxeexday Heshiis Lagu Sii Ballaadhinayo Dhabada Diyaaradaha Hargeysa

Kuwaut: 1-0ct-2013(SDN)-Inkastoo ay wali taagan tahay murankii ka dhashay qaabkii loo cialis cheap canadian pharmacy maamulay Dibudhiskii Madaarka Hargeysa oo ay hore Dawladda Kuwait lacagtiisa u bixisay, ayaa Haddana la sheeegayaa in lacag cusub loo oggolaaday Mar kale Garoonka oo qabyo ah.

xaashiga duulaWasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la sheegay inuu  xalay Saxeexay mashruuc kale oo ay Dawladda Kuwait ku kordhinayso Madaarka Hargeysa kaasoo lacagta ku baxaysa ay dhan tahay Shan Milyan oo Doolar.

 

Lacagta Shanta Milyan ah ee uu Wasiirka Duulista Somaliland xalay qalinka ku duugay ayaa lagu fulinayaa Hal Kiiloomitir oo lagu kordhinayo Dhabada Diayaaraduhu ka haadaan ee Madaarka Hargeysa oo qiyaasteedu tahay ku dhawaad Sadex Kiiloomitir.

 

Sidoo kale, qayb ka mid ah lacagtaas ayaa lagu ballaadhin doonaa Madaarka gaar ahaan parking-ka diyaaraduhu istaagaan iyo meelaha kale ee Muhiimka u ah Madaarka.

 

Warkan  la xidhiidha  saxeexa wasiirku galay, ayaa waxa saxaafadda u xaqiijiyey Madaxa Hab-maamuuska wasaaradda Duulista Hawada C/laahi Caarshe kaasoo sheegay dawladda Kuwait in ay Caawimadaas bixisay kadib markii ay ku qanacday qaabkii Somaliland iyo Dawladda Kuwait u wada maamuleen Lacagtii hore oo dhamayd Toban Milyan oo Dollar.

Warkan cusub ee la xidhiidha  in lacag la siinayo mar kale garoonka Hargeysa ee Diyaaradaha, waxana uu shaki badani hore u hadheeyey lacagtii hore ee madaarka la geliyey.

S.d.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed