Xubin Ka Tirsan Golaha Deegaanka Boorama Oo Dhaliilay Shaqada Golihiisa Iyo Maayarka Oo Iska Difaacay
Borama:1-Oct-2013(SDN)-Iyadoo ay maalimahaba Taagnayd muran iyo Is qabqabsi u dhexeeyey Maayarka Boorama iyo qaar ka tirsan Golihiisa Deegaanka, ayaa waxa halkii ka sii socdo cambaarayntii ay is weydaarsanayaan.
Xildhibaan Rooble Muuse Xoosh oo ka mid ah xildhibaanada Golaha deegaanka ee Boorama ayaa dhaliilo culus dusha ka saaray Shaqooyinka ay Dawladda Hoose ee Borama u Hayso Bulshada, waxana uu si gaar ah dhaliishaas dusha uga saaray Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xaddi.
Xildhibaan Rooble oo dhaliishiisu taabanaysay dhawr arimood oo dhinacyada Cashuuraha, Waxqabadka Wadooyinka Magaalada Dhexdeeda ah iyo soo gudbinta miisaaniyada ah ayaa ugu horayntii waxa uu dul fuulay hanaanka ururinta cashuurta loo yaqaan ardiyada oo uu sheegay in dadku ay ku dhiban yihiin waxana uu yidhi “Shaqaalahii u xilsaarnaa inay qaybiyaan juwanada cashuuraha ayuu Maayarku ka daba diray shaqaale kale oo isla hawshii qabta, waxa ay sameeyeen shaqaalahaas cusub ee uu isagu iskii u qortay inay dad badan oo cashuurta bixiyay ka soo fureen albaabadii guryahooda, waxana ay tani culays iyo xadgudub ku tahay dadka cashuurta bixiya, waana talaabo aanan loo baahnayn oo aanay dadku mutaysan, kuna baaqayno in sidan wax laga badalo”
Sidoo kale waxa uu Xildhibaan Rooble Duray hanaanka cunto-shaqo ku badalashada ah ee ay D/Hoose ee Boorama wax kaga qabanayso wadooyinka googo’an ee gudaha magaalada waxana uu yidhi “Way muuqataa in wadooyinku burbursan yihiin oo ay u baahan yihiin in wax laga qabto, sidaas oo ay tahay waxa ay ahayd in cashuurta dadku bixiyaan ee dakhliga D/Hoose ah in wax lagaga qabto, taasina ma dhicin, waxana aan dhaliilayaa in raashinkii loogu talo galay dadka masaakiinta ah in loo qaybiyo ee mucaawinada ahaa in la yidhaa ha noqdo wax lagaga shaqeeyo wadooyinka, oo masuuliyadii ay D/Hoose lahayd iyo miisaaniyadii loo qorshayn lahaa in wadooyinkan lagu dayac tiro loogu marmarsiiyoodo in raashinka masaakiinta lagaga shaqeeyo, waana talaabo gaf ku ah quudinta iyo gurmadka ay u baahan yihiin dadka masaakiinta ah ee ay garteen dalalka shisheeyeha ah ee gargaarkan soo bixiyay”
Xil. Rooble waxa kale oo xagal daac ku tilmaamay in qaybta fulinta ee D/Hoose aanay golaha ilaa maanta horkeenin odoroskii miisaaniyada sanadka 2014 oo uu sheegay in loo baahnaa in la hor keeno bishan September, waxana uu yidhi “Wali ma hayno oo lanama hor keenin odoroskii miisaaniyada 2014 oo bishan sii dhamaanaysa uu sharcigu sheegayay in lana hor keeno, waxana ka muuqata dib u dhac iyo caga jiid caqabad ku ah dajinta iyo ansixinta miisaaniyada, waxana loo baahan yahay in dadka oo xaq loogu leeyahay inay cashuur bixiyaan, hadii ay cashuurtii bixiyeen ay arkaan waxii lagu qabtay cashuurtooda ee wax qabadka ahaa, taasina waa mid aanan muuqan oo ay cadahay in D/Hoose ay ku fashilantay, loona baahan yahay in la qaado talaabooyin lagula xisaabtamayo hogaanka qaybta fulinta si aan u gudano waajibka ku aadan ujeedadii la noo soo doortay.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Golaha Fulinta D/Hoose ee Boorama Maayar Saleebaan Xasan Xadi ayaa isaguna gees iskaga duway dhaliilaha loo soo jeediyey waxana uu sheegay inay Hoggaamintiisu tahay middii Toolmoonayd,”Shaqaalaha waaxda cashuuruhu waxa ay wataan waajibkoodii shaqo ee aan u xil saarnay waanay ku amaanan yihiin, ujeedada hawlgalkooduna waxa ay tahay in la soo xereeyo dakhliga cashuuraha ee waajibka ah, si meesha looga saaro in cashuurtu baaqato, sidoo kale talaabadan lagu dardar galinayo cashuur ururintu waxa ay dhibayso ee ka cabanayaa waa cid markii horaha ahayd ama doonayso anay cashuurta weecsato, taasina ma aha dhaliil la odhan karo waxa ay la soo gudboonaatay hawlaha cashuur ururinta” ayuu yidhi Xaddi.
Maayar Saleebaan waxa kale oo uu ka waramay hawlaha dib u hagaajinta wadooyinka ee lagu samaynayo hanaanka loo yaqaan conto-shaqo ku badalashada waxana uu yidhi “Gundhiga shaqadu waxa uu yahay in dib loo hagaajiyo wadooyinka burburay isla markaana shaqo loo abuuro dad badan oo ku nool Boorama, in raashinkan lagaga shaqeeyo wadooyinkana waa mid ay isla qaateen golaha degaanku, waxana ay hawshu u socotaa sidii loogu talao galay, waana talaabo u taagan inaan umada tusno in waxqabad muuqda aan hormood u nahay, waxaanan xusayaa in Boorama looga baahan yahay inaan u guntano sidii aan kaalinta koowaad uga gali lahayn baaqii W/A/Gudaha ee ahaa in aan bilicda magaalooyinka muujino, hawshan aan jidadka ka qabanaynaana taasi ayay taageeraysaa, shacabkana waxaan ugu baaqayaa inay hawsha dhinacooda qabsadaan ogaadaana in tartan lagu jiro.
Maayar Saleebaan waxa uu si kooban uga hadlay hadalka uu xildhibaan Rooble sheegay inuu ku jiro odoroskii miisaaniyada 2014 ee golaha looga baahnaa in uu ansixiyo oo la soo hordhigo bishan Septemper waxana uu yidhi “Wax walba waxa ay u socdaan sidii loogu talo galay miisaaniyada soo bandhigideeda iyo ansixinteeduba waa hawl muhiim ah, waxana aan ku tala jirnaa inaan sida sharcigu yahay ku dhaqaaqno oo aan soo bandhigno miisaaniyad aanan lala degdegin balse ku salaysan kharash iyo dakhli is daboolaya oo hawlaha D/Hoose iyo dhinaca waxqabadkaba u adeegaysa oo aan ku shaqayn doono sanadka soo socda ee 2014.”
Is qabqabsiga xubnaha ku jira Golaha Deegaanka Magaalada Borama, ayaa caanka ah deegaankaas, waxana soo noqnoqda eedaha ay isku jeediyaan iyo Difaaca ay kaga jawaabaan.
S.d.N
Contact@somalidiasporanews.com