|

Xisbiga Ucid Beddelka Labadii Xildhibaan ee Kulmiye Ku Biiray U Gudbiyey Guddida Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa:30-Sep-2013(SDN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ayaa maalintii shalay Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland U gudbiyey Beddelka labadii xubnood ee Golaha Deegaanka Berbera ee dhawaan sheegay inay ku biireen xisbiga Kulmiye.

ucidddaSida  uu noo xaqiijiyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali waraabe, waxa ay xisbigu codsigooda Hore ka gudbiyeen Maalintii shalay si ay u buuxsadaan Boosaska ay Banneeyeen labada xisbi “maanta(shalay) waxanu qornay warqaddii aanu ku dalbanaynay in labada meelood ee noo bannaanaaday aanu buuxsanno, oo Maadaama haddii sharci jiro  labadaas inan ay waayeen Boosaskoodii aanu labada ku xiga Buuxsanno,” ayuu yidhi Faysal oo ka hadlaya warqadda ay gudbiyeen.

Xisbiga ayaa warqadda ay ku codsanayaan in loo baddelo xubnaha meesha ka baxay, waxa uu sheegay inay dhammaan meelaha ay khusayso u Gudbiyeen warqaddoodda dalabka ahi, waxana uu yidhi, “waxanu ku socodsiinnay Guddida Doorashooyinka, wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxkamadda iyo Badhasaabka Saaxil.”

Warqaddan ay xisbiga mucaaradka ah ee UCID u gudbeen Guddida Komishanka Qaranka Somaliland, ayaa ka dambaysay markii laba xubnood oo uu ka mid yahay Maayarka Magaalada Berbera  ay maalintii  sabtida ku biireen xisbul-xaakimka Kulmiye, waxana  xisbiga Ucid ku andacoonayaa inay xaq u leeyihiin inay buuxsan karaan  boosaska bannaanaaday.

Labadan Xildhibaan ayaa markii ay ka hadlayeen munaasibaddii ay ugu wareegayeen kulmiye, sheegay inay ka tirsan yihiin Ucid, balse Mabda’iyan ku biireen Kulmiye, waxana taas loo arkayey Kaliya inay kaga Baxsanayaan Sharciga maadaama ay lumin karaan xubin-nimadooda Golaha Deegaanka iyo ta Xisbigaba.

 

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed