|

Dawladda Hoose ee Hargeysa Oo Soo Saartay Amar Shacabku Si weyn Usoo Dhaweeyey

Hargeysa:30-Sep-2013(SDN)-Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa soo saartay amar dad badani u riyaaqeen oo wax lagag qabanayo Dadka ku mamay dhulka aanay waxba ka beerayn ee ay iska sheegtaan.

dawladdaa hooseDawladda Hoose oo uu Hormood u yahay Duqa Caasimadda ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa   Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, ayaa amar ku bixiyey inaan cidna laga aqbali doonin inay sheegato dhulka Buuraha ah ee magaaladu gaadho, waxana ay sheegeen in dhammaanaba dhulkaas wixii aan beero la manaafaadsado ahayn loo aqoonsan yahay dan Guud oo aanay cid sheegan kartaa jiri karin.

 

Kulamo Gooni Goonni ah oo maalmaha ay yeelanayeen Madaxda Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa arrintan lagu Go’aamiyey, waxana looga digay dadka wali ku hawallan meelaha Buuraha ah ee aan waxba ka beeran inay ka dhaqaaqaan oo  ay candhuuftooda dib uga liqaan inay u qaataan hanta ay dadka kale ka leeyihiin.

 

Shacabka Somaliland oo intooda badan ay dhibi ka soo gaadho meelo bannaan oo dadka qaarkii iska  sheegtaan ayaa waxa ay si weyn u soo dhaweeeyeen Go’aankan ka soo Baxay Golaha Deegaanka ee Hargeysa, waxana  ay ku baaqeen inay taageero la garab geli doonaan Dawladda Hoose si ay u  u hirgeliso Tallaabooyinka ay amarrada ka soo saartay.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed