|

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhaqaaqday Tallaabo Axsaabta Mucaaradka lagaga Hor istaagayo Ka Hadalka Madalaha madaxda Qaranku isku Arkaan.

Hargeysa:30-Sep-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland  ayaa qaadday tallaabooyin dhiig Bax ah oo ay madaxda Axsaabta qaranka kaga  hor istaagayso inay ka hadlaan Goobaha  la iskugu yimaaddo ee munaasibadaha ah.

faysal iyo siilaanyoXukuumaddan haatan talada dalka haysa oo caan ku ah inay ka damqato, kana cararto dhaliilaha  mucaaradkeedu u soo jeediyaan, ayaa intii muddo ahaydba ku hawllanayd sidii ay  iska ilaalin lahayd inay axsaabta mucaaradka ah meel hadalkeedu furan yahay ku kulmaan.

Maalintii shalay oo ay Jaamacadda Hargeysa ka qalin jabinayeen Arday aad u tiro badani, ayaa waxa ay xukuumaddu qaadday mid ka mid ah tallaabooyinkii fulaynimo ee abid soo mara taariikhda Somaliland, waxana ay madaxda Jaamacadda Hargeysa ku amartay inaan sinaba loogu oggolaan axsaabta mucaaradka ah inay wax hadal ah ku yeeshaan madashaas.

Madashaas oo uu madaxweynuhu ka qaybgelayey, ayaa loo diiday inay ka hadlaaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Madaxda kale ee xisbiga Waddani, waxana  kaliya la qorsheeyey inuu hadlo Madaxweynaha iyo  koox wasiirro ahi, taas oo ah bog cusub oo taariikhda Somaliland ay u furtay xukuumadda Kulmiye.

 

Axsaabta mucaaradka ah ayaa iyagu si aad ah uga xumaaday dhacdadan cusub ee xukuumaddu la soo baxday, waxana  ay ka dareereen Goobtii munaasibaddu ka socotay, iyagoo u arkay in la duudsiyey xaqoodii dastuuriga ahaa oo awood loogu diiday inay kalmaddooda ka yidhaahdaan munaasibadda ardaydu ku qalin jabinaysay.

Xukuumadda oo guud ahaanba ka sinnayd  inaan cid mucaarad ahi ka hadlin madaxweynaha Hortiisa, ayaa waxa ay qiil ka dhigay inay hadalka ka saarto Guddoomiye Muuse Biixi si Ardayda loogu qanciyo inaan Axsaabta Meesha  looga Baahnayn, waxana Guddoomiye Muuse uu isaguna noqday qolfoof  kaliya meesha iska fadhiya oo aan wax hadal iyo talo midna la weydiinin.

 

Xukuumadda oo aad mooddo inay iskaga dhex darsameen qaranimadii iyo colaaddii ay axsaabta qaranka u haysay, ayaa haatan Baqaheedii gaadhay inay ka fogaato meel kasta oo nin mucaarad ah ama dhaliisheeda sheegi karaa taagan yahay, waxana ay ku eerataa dadka kaliya amaanteeda ka sheekeeya ee dhaliilaheeda daaha saara.

Xukuumadda ayaa dhammaanba jaamacadaha ay maamusho hore ugu diiday inay soo casuumaan Mucaaradka dalka, waxana hore casuumadihii mucaaradka uga leexday Jaamacadaha Camuud iyo Burco, balse jaamacadda Hargeysa waxa ay markii hore ku dhiirratay inay casuunto, waxase lagu khasbay inay ka ilaaliso inay hadlaan, taasina waxa ay keentay in  baqaha iyo shakiga xukuumaddu uu maalinba maalinta ka dambaysa xadhkaha sii goosto.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa xilligii uu mucaaridka ahaa waxa uu caan ku ahaa inuu inuu munaasibadaha ay iskugu yimaadaan isaga iyo madaxweynihii hore ee somaliand ku soo bandhigo dhaliilihiisii, waxase uu haatan noqday shakhsi u nugul dhaliisha mucaaradkiisa, iskuna daya inuu ka dhuunto cid kasta oo   sheegta galdaloolooyinkiisa.

 

S.D.N.

Axmed Cumar Axmed

Hargeysa/Somaliland

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed