Xukuumadda Oo Habeenkii Xalay Mar kale Jeelka Ku Hubsatay Wadaad Ku Fallaagoobay
Hargeysa:30-Sep-2013 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa Habeenkii Xalay mar kale xabsiga u taxaabtay Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle oo Hoggaamiye u ah Urur-diimeedka Xisbullah, kaas oo dhawr jeer oo hore xabsiga la dhigay.
Sheekhan oo saaxiib la ah jeelka, ayaa xadhiggiisa waxa xaqiijiyey Afhayeenka Xisbullah Cali Cumar Maxamuud, isagoo sheegay in aanu garanayn sababta keentay xidhiga sheekha.
Dhanka xukuumadda Somaliland ayaa ilaa hadda aan ka hadal xadhiga Sheekha, waxaase la filayaa wakhtiyada innagu soo foolka leh in xukukuumaddu ay shaaca ka qaaddo xadhiga sheekha iyo sababta loo cuskaday.
Sheekh Geelle ayaa dhawr casho ka hor ka hadlay soona dhaweeyey weerarkii dhimashada iyo dhaawaca badnaa ee dhawaan ay XarakadaAl-Shabaab ku qaadday dalka Kenya. Isagoo Al-Shabaab ku ammaanay tallaabadaasi ay ka qaadeen dawladda Kenya.
Sidoo kale Sheekhu waxa uu si adag uga hadlay isla markaana uu uga hor-yimi Cashuurihii dhawaan golaha Wakiiladu ansixiyeen ee lagu kordhiyey Gaadiidka iyo Xoolaha.
Dhanka kalena waxa uu bulshada Somaliland ku boorriyey in Shareecada Ilaahay la qaato oo la isku xukumo,lagana tago waxyaabaha kale oo haatan lagu dhaqmo.
Ma aha markii ugu horreysay ee Sheekha la xidho, balse waxaa jiray marar badan oo ay xabsiga u taxaabtay xukuumaddan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo waliba xukuumadihii ka horreeyey ee soo maray dalka. Tan iyo muddaasna marnaba sheekhu lamuu iman wax tanaasulaad ah.
S.D.N
Somalidiasporanews.com