|

Go’aamo Xal looga dhigayo Muranka ka dhasha isku qabsiga Dhulka oo Baydhaba lagaga dhawaaqay

Baydhaba 29.Sep 2013 (SDN)- Guddiga nabadgalyada gobolka Baay ayaa soo saaray go’aan lagu xakamaynayo muranka iyo is-qab-qabsiga ku saabsan lahaanshaha dhulka oo mararka qaarkood khal-khal galiya ammaanka.

Baydhabo3-300x225Taliyaha ciidanka booliska gobolka Baay, Kornayl Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo warbaahinta u akhriyey go’aanka uu soo saaray guddigu ayaa sheegay in iyadoo la tixgalinayo nabadgalyada iyo xasilloonida gobolka uuu go’aamiyay guddigu in aan la dhisan karin, lana iibsan karin dhulka iyadoo aan la soo ogaysiin guddiga nabadgalyada, si loo xaqiijiyo cidda iska leh mulkiyaddiisa.

Kornayl Mahad ayaa maxkamadda degmada Baydhabo iyo tan gobolka Baay ka codsaday inay dhinacooda ka dhaqan galiyaan g’aanka guddiga nabadgalyada.

Taliyaha ayaa dadweynaha ka dalbaday inay meel mariyaan go’aanka guddiga, si looga hor-tago wax kasta oo wax u dhimaya nabadgalyada, wuxuuna tilmaamay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii ka hor timaadda go’aanka.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay muranno ku saabsan lahaansho dhuleed oo waayahan ku soo badanayay magaalada Baydhabo oo hadda u muuqata mid sii fidaysa, iyadoo inta badan muranku uu ka dhasho dhulka ku yaalla daafaha magaalada.

Baydhaba SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed