Wefti ka Socda dawlada Federaalka oo Gaadhay Magaalada Beledweyne iyo Sababta Ujeedada Socdaalkooda
Baladweyne 29.Sep 2013 (SDN)- Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, Cali Abtidoon Xalane ayaa maanta gaaray magaalada BaladWeyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Cali Abtidoon oo warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa sheegay in safarkooda uu la xiriiro sidii ay ugu gogol-xaari lahaayeen qabsoomidda shir ay yeelan doonaan bulshada ku dhaqan gobolka, kaas oo ku saabsan sidii maamul loogu sameyn lahaa gobolka.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaliya gacan ka geysan doonto dhismaha maamulka, balse bulshada gobolka looga fadhiyo inay iyagu ka tashadaan aayahooda oo ay sameystaan maamul ay ku qanacsan yihiin.
Xildhibaan Daahir Amiin Geesow, xildhibaan Axmed Ismaaciil, siyaasiga Cumar Dheere iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka mid ah wafdiga maanta gaaray Beledweyne.
Beledweyne SDN.
Qurbejoog.com