|

Hargaysa oo lagu soo Gabo gabeeyay Kulan Guud oo ay Yeesheen Gudida Wanaag farista iyo Xumaan ka reebista

Hargaysa 29.Sep 2013 (SDN)- Magaalada Hargeysa ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay kulan labo maalmood uga socday guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista oo ah guddi ka jira gobollada Somaliland oo isku xil qaamay inuu wax ka qabto waxyaabaha ka hor imaanaya anshaxa diinta iyo akhlaaqda wanaagsan.

Sheekh Khaliil C,laahi AxmedWasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee maamulka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdulaahi ayaa si rasmi ah u xiray kulanka, isagoo sheegay in kulanku uu ahaa aqoon-is-waydaarsi ku saabsan farista wanaagga iyo raacidda dariiqa habboon ee ay na farayso diinte Islaamka.

Guddomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in howsha guddiga ay tahay mid loo baahan yahay in maamulka iyo shacabka in ay gacan ku  siiyaan.

Guddiga wanaag farista iyo xuman reebista oo muddo 10 sano ka jiray Somaliland ayaa waxaa la shaqeeya booliska Somaliland, waxayna talaabo ka qaadaan ciddii ka hor timaadda anshaxa suubban ee diinta Islaamka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed