|

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kana waramay safarkiisa

Muqdisho 29.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shegay in balaayiin doollar lagu taageeri doono maashaariicda horumarinta iyo dib u soo celinta amniga guud ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Muqdisho dib ugu laabtay ayaa sheegay in dowladda ay dajisay qorshayaashii loo isticmaali lahaa lacagta loogu yaboohay Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay qeyb ka qaataan sidii looga faa’iideysan lahaa mashaariicda la doonayo in laga fuliyo Soomaaliya.

madaxweyne-xasan-sh-maxamuud-kambalaXasan Sheekh waxa uu sheegay in uu kulamo xasaasi ah la soo qaatay madax ka tirsan dowladda Mareykanka, oo ballaan qaaday in dowladda Mareykanka ay kaalin muuqata ka qaadan doonto sidii Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isugu taagi laheyd.

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in magaalada New York uu kula soo kulmay Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo mar kale u muujiyay sida Qaramada Midoobay ay u daneyneyso in Soomaaliya dib u dhis lagu sameeyo.

Madaxweynaha waxa uu warbaahinta u sheegay in New York uu kula soo kulmay madax badan oo caalamka ka kala socotay oo ka qayb galay shirkii madaxda Qaramada Midoobay, wuxuuna xusay in madaxdii wafdigiisa la kulmay ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa booqday dalalka Belgium, Italy iyo Mareykanka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed