|

Madaxtooyada Oo Laga Wado Qorshe lagu Tukhaantukhinayo Ismaaciil Shaqalle, cidda laga Dhex uriyey Iyo Beddelkiisa Oo La Diyaariyey

Hargeysa:29-Sep-2013(SDN)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa wadda Qorshe meesha lagaga saarayo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil shaqalle, islamarkaana lagu magacaabayo Taliye kale Oo Cusub.

shaqalleSida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno shakhsiyaad si aad ugu dhaw aqalka madaxtooyada Somaliland, waxa qorshahan xilka lagaga xayuubinayo la waday muddo Gaabban oo aan sidaas u sii badnayn, waxana la diyaariyey ninkii lagu beddeli lahaa Sarreeye Gaas Ismaaciil shaqalle oo isaga loo arkay nin aan la tallaabsan karaynin Kooxda sida gaarka ah iskugu  habaysatay inay Go’aamada Dalka lagu Hago wada Go’aamiso.

Wararka  ayaa sheegaya ina Xukuumaddu in muddo ahaydba ku hawllanayd sidii ay Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka Somaliland Muddada dheer soo Hoggaamiyey General  Nuux Taani ugu celin lahayd Hoggaanka ciidanka mar kale, taasina ay ku qanceen dhammaanba Ragga Talada Madaxtooyada Qaybta weyn ka qaataa.

Nuux Taani oo Isagu Sanadkan ku talo jirey inuu Xajka tago, ayaa la sheegayaa in laga joojiyey, waxana lagu wargeliyey inuu sanadkan iska joogo oo uu xukuumadda la eego mansabka  ay hore uga qaadday oo ay haatan u garatay inuu Guddoonsado.

Nuux ismaaciil Taani ayaa la sheegayaa inuu soo dhaweeyey   Magacaabista dhinaca xukuumadda kaga timi, waxase la sheegay inuu waxoogaa shuruudo ah oo aan  sidaas u sii waaweynayn ku xidhay  qabashada xilka Ciidanka qaranka oo uu ku gaamuray.

Shuruudaha uu Nuux Codsaday, ayaa waxa ugu horreeya inuu u baahan yahay in meesha laga saaro shakiga reer Awdal ka qabaan Hoggaankiisa, kaas oo  ka dhashay khilaafkii hore uga dhacay deegaanka Seemaal, waxana ay xukuumaddu u sheegtay inay diyaar u tahay sidii ay Taliyaha uga caawin lahayd in la isu Beer-xaadho isaga iyo Reer Awdal, si uu ugu raaxaysto xilka loo igman doono.

Wararka ilaa haatan soo gaadhaya shabakadda wararka ee Qurbjoog.com, ayaa sheegaya in Nuux Taani Toddobaadyada inagu soo Aaddan uu socdaal Gaaban    ku tegi doono deegaanno ka tirsan Gobolka Awdal, islamarkaana geyn doono kharashaad Buuran oo uu ku laabxaadhanayo Reer Abtigii, islamarkaana meesha kaga saarayo wixii dhaliyey shakiga reer Awdal, waxana ay xukuumaddu ballan ku qaadday inay ka saacidi doonto wixii uu kharash iyo Gacan kaleba uga baahdo, taas oo uu isaguna Hawraarsan iyo Guddoon ku soo dhaweeyey.

Haddaba taliyahan haatan haysta Ciidanka Qaranka Somaliland,  oo ay wakhtiyo hore isku jaal ahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegayaa inay xukuumaddu ka shakiday xidhiidh hoose oo uu la leeyahay Guddoomiye Muuse, waxana ay taasi keentay in si hoose looga tashado Taliyahan oo Loo Arkay Far dheeraatay.

Xukuumadda ayaa il gaar ah ku eegaysay kulamo meelo gaar ah ku dhex marayey  Taliye Shaqalle iyo muuse Biixi, waxana xukuumaddu biyo hoostood ka aragtay in mujaahidku xidhiidh hoose  oo ku saabsan mustaqbalka dalka la yeeshay Taliye shaqalle oo haatan gacanta ku haya cududda ugu weyn ee ciidanka Somaliland.

Guddoomiye Muuse oo la sheego in ragga xukuumaddan haatan taladeeda qaybta libaax ku leh aanay isku sal bannaanayn, ayaa iyagu sas weyn ka qaaday kulamada hoose ee labadan nin dhex maray, waxana ay taasi keentay in Laga fikirro sidii meesha looga saari lahaa taliye shaqalle oo loo arkay nin muuse u dhego nugul, waxana lagu qancay inaan ciidanka lagu aamini Karin shakhsi  beer-nugayl u muujiyey Mujaahid aan madaxtooyada laga jeclaysan.

Taliye Taani oo lagu xasuusto kaalintii uu ku lahaa Guushii ballaadhanayd ee sannadkii 2010-kii uu xisbiga Kulmiye ka soo hooyey Doorashadii ka dhacday, Somaliland, ayey xukuumaddani u aragtaa inuu kuwa soo socdana wax uga tari doono, lamase garanayo Go’aanka uu Qaadan doono Guddoomiye Muuse oo isagu aan sinaba raalli uga ahayn in shaqalle Meesha ka baxo.

Madaxtooyada Somaliland, aya caan ku ah inay beddesho qof kasta oo xidhiidh la sameeya Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, waxana ay tani muujinaysaa sidaa aan marnaba loo doonayn inuu Muuse ku soo dhawaado Kooxda sare ee xukunka dalka iyagu xuurtaystay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed