Laba Doonyood oo Kalluumaysato ah oo laga qabtay Xeebaha Maamul Goboleedka Punt land
Boosaaso 28.Sep 2013 (SDN)-Ciidamada Ilaalada dekedda Boosaaso ayaa soo qabtay doon iyo laba saxiimadood oo si sharcidarro ah uga kalluumaysanayey xeebta gobolka Bari
Ciidamada ayaa kalluumasatadaas 26 kalluumaysato ah oo la socday doonta ka soo qabtay meel 5 mayl u jirta dekadda, waxayna dhammaantood oo muwaadiniin Yemen u dhashay ah ay ku ku howlanaayeen gurashada kalluunka, sida ay sheegeen ciidamada ilaalada dekedda Boosaaso.
Taliyaha ciidanka ammaanka ee dekadda Boosaaso Maxamed Cali Xaashi ayaa saxaafadda u sheegey in doontan ay tahay nooca kalluumaysiga uuna saaran yahay qalab uu ku sheegey mid xaalufin kara kalluunka tarma ee ku nool meelaha hoose ee badda.
Taliyaha ayaa sheegey in ciidanku ay maalmahanba wadeen hawlgallo ka dhan ah kalluumaysiga sharci darrada.
Agaasimaha guud ee wasaaradda dekadda iyo gaadiidka badda ee Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafaan ayaa isna sheegey inay diyaariyeen ciidamo xoog leh kuwaas oo u qaybsanaan doona ilaalada ammaanka dekadda iyo ka hortagga xaalufka badda ee meelaha dekadda u dhaw ka dhaca.
Soo qabadshada doonta iyo saxiimadahani waxay imaanayaan xilli ay cabasho xoogle muujinayaan kalluumaysatada Soomaalida ah ee xeebaha Puntland ku sugan kuwaas oo sheegey inay khaati ka istaageen doonyaha kalluumaysiga ee ajnabiga ah.
Boosaaso SDN.
Qurbejoog.com