Madaxweynaha Somalia oo Kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo wixii ay ka wada hadleen
New York 28.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ku kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa kawada hadlay xoojinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dib u dhiska dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya laga taageero dhisidda ciidanka xoogga si looga guuleysto maleeshiyada Al-Shabaab, islamarkaana looga mira dhaliyo dadaallada nabadda iyo horumarka ee ay waddo dowladda.
Madaxweynaha ayaa xusay in taageero caalami ah oo ay hesho Soomaaliya lagu gaari karo xaqiijinta nabad iyo horumar wax ku ool ah oo ay gaarto Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha ay gaartay muddada sanadka ah ee ay jirtay.
Wuxuu ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya si loo xaqiijiyo qorshaha la tiigsanayo ee ku aaddan xoojinta ammaanka, dib u dhiska dalka, tayeynta garsoorka iyo horumarinta dimuqoraadiyadda iyo maamul wanaagga.
New York SDN.
Qurbejoog.com