|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Warbixin ka siiyay Golaha Guurtida hawlaha nabadaynta ee Wasaaradiisu ku hawlan tahay

Hargaysa 28.Sep 2013 (SDN)- Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland  ayaa  fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad  ee galaha guurtida md siciid jaamac cali ayaa waribxin ka dhagaysatay  Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha j s l md Cali Maxamed Warancadde .

Cali WarancadeeeWasiiirka Arimaha Gudaha  waxa ku wehelinayay halkaasi taliyeyaasha ciidamada booliiska iyo ilaalada xeebaha waxaanu wasiirku  halkaasi warbixin kaga siiyay mudanayaasha golaha waajibaadka wasaaraddda arimaha gudaha  u hayso dalka,isagoo timaamay in wada shaqayn ay leeyihiin  dhamaan wasaaradaha iyo hayadaha dawlada ee madaxa banaan.

Wasiirku waxa uu warbixintiisa ku sheegay in wasaaradu ay hawlantahay sidii kor loogu qaadi lahaa bilicada caasimada iyo guud ahaan magaalooyinka dalka , waxaanu xusay mar uu ka hadlayay amaanka dalka xaaladda ammmaan ee dalku ay xiligan hagaagsan tahay wasaaraduna ay wado  qorshe maamul daadajineed oo la gaadhsiinayo gobalada dhinaca bari ee dalka.

Geesta kale mudnayaasha golaha guurtida ayaa cod gacan taag ah ku ansxiyay guddi hoosaad  ka  tirsan golaha guurtida oo tabarucaad ka gaysan doonta wadada   isku xidhi doonta ceerigaabo iyo burco.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed