Gudoomiy ku Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada oo ka hadlay Xeerka Takaaliifta Wadooyinka
Hargaysa 28.Sep 2013 (SDN)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiiladda j sl md cali yuusuf axmed ayaa maanta ka hadlay arimo badan oo ay ka mid atahay xeerkii dhawaanta la ansixiyay ee takaaliifta horumarinta wadooyinka .
Guddoomiye ku xiogeenka ayaa faah faahin ka bixiyay ahmiyada xeerka takaaliifta wadooyinku u leeyay bulshada , waxaana uu sheegay in uu door weyn ka qaadan karo hirgalinta wadooyinka dalka fududayna doono isku xidhka gobolada iyo dagmooyinka dalka.
Mudane cali waxa uu xusay in dhismaha wadooyinka dalku ay ahaan jireen kuwo gacan ajnabi lagu hir galiyo taasoo ah mid aan saomalailand xiligan suuro gal u ahayn, maadaama wadanku yahay dal aan wali helin aqoonsi dhamaystiran loona baahan yahay in aynu buuxino kaalintaas.
Gudoomiye ku xigeenka oo ka hadlayay faaiidada ay ummada u leedahay hirgalinata wadooyinku waxa uu sheegay in ay faa iido dadban iyo mid toosa ahiba ay ku jirto hirgalinata iyo hagaajinta wadooyinka dalka, ayna ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaale ee wadanka waxaana uu ugu baaqay bulashada Somaliland in ay is dhinac taagaan qorshayaasha xukuuamadda ee ku aaddan hagaajinata wadooyinka .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com