Dagaal siyaasadeed oo Berbera Ku Dhex maraya Kulmiye Iyo Ucid iyo Munaasibad Maanta loo Ballansan yahay.
Berbera:28-Sep-2013(SDN)_Xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye ayaa Maanta la filayaa inuu inuu xaflad soo dhaweyn ah ugu qabto magaalada Berbera Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Maxamud xasan iyo xildhibaanno Door ah oo Golaha Deegaanka Berbera ka tirsan.
Xildhibaannadan ayaa la sheegay inay yihiin kuwii xisbiga Ucid uga soo baxay Gobolka Saaxil oo ka digorogganaya xisbigoodii hore kuna Biiraya xisbiga Kulmiye.
Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay magaalada Berbera ugu hoyday sidii uu ugu qaybgeli lahaa xafladda soo dhaweynta xisbigiisu ugu samaynayo Maayarka Berbera iyo xildhibaannada kale ee la socda kuwaas oo maanta la filayo nay xisbiga Kulmiye ku soo biiraan.
Tallaabada Maayarka Berbera iyo xildhibaanada kale ee uu Hoggaaminayaa ugu biirayaan xisbiga Kulmiye, ayaa xisbiga ucid ku noqonaysa Dhirbaaxo siyaasadeed o oculus oo ay ku waayayaan xildhibaanno awood siyaasadeed ku leh deegaanka Berbera, kuwaasi oo taageeradooda u leexinaya xisbulxaakimka Kulmiye oo xilligan dagaal siyaasadeed oo culusi u dhexeeyo.
Go’aankankan xildhibaannada Golaha Deegaanka ee xisbiga Ucid kaga mid noqonayaan xisbul xaakimka Kulmiye, ayaa noqonaya Culays Ballaadhan oo Ucid ka soo gaadhay Gobol ay si weyn iskugu hallaynayeen, maadaama oo musharaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi ka soo jeedo Gobolka Saaxil.
Lama Oga tallaabada siyaasadeed ee Ucid kaga jawaabi doonto dhibaaxada maanta kaga dhacaysa Berbera iyo halka xaalku ku dambayn doono, waxase Hubaal ah inay ku maqan yihiin sidii ay jawaab siyaasadeed uga bixin lahaayeen jallaafadaas lala helay.
SDN.
Contact@somalidiasporanews.com