|

Cali Warancade:Iga walaan ina Muuse Abees iyo cid kale toona Wadooyinka Hargeysa idin Marin Kareyn Hadaad Faysal Cali Waraabe iyo Maxamed Xaashi taabataan

Hargeysa Sept 28,2013(SDN)-Shirkii Gollaha wasiirada Somaliland ee Khamiistii ina dhaafay ayaa waxa la iskula soo qaaday qodob xasaasi ah oo xubno ka tirsan golluhu ay u soo bandhigeen madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiirada Madaxtooyada iyo Duulista iyo Hawada ee Xirsi xaaji iyo wasiiru dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees ayaa soo jeediyay in xabsiga la dhigo masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe,wasiirkii Hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi iyo guddoomiyaha madasha wadatashiga ito toosinta Qaranka Mujj.Xasan Guure Jaamac.

Wasiiradan ayaa aad iyo aad ugu adkeystay in masuuliyiintaa xabsiga loo taxaabo sida ugu dhakhsaha badan.

Haseyeeshee Wasiirka arrimaha guddaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa si xaqiiqo hadala oo ka turjumeysa khatarta arrinkaa ka dhalan kareysa gollaha uga hor jeediyay.

Cali warancade ayaa ilo wareedyo madaxtooyada ku dhawi sheegeen in uu wasiirada soo jeediyay u sheegay in cawaaqib xumo arrinkaasi ay ka dhalan kareyso.

“Iga walaan Ina Muuse Abees isna mari Doonin idina idin marin doonin Wadooyinka Hargeysa
ee hadaad dalka ka talisaane meydin joogin”ayaa ka mid ahaa hadaladii Wasiir Warcade ka hor yiri Gollaha wasiirada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo talo ku cadaatay ayaa la sheegay in uu qaatay talada wasiir Warancade oo uu sheegay in arinkaasi sidaa looga haro.

Damaca wasiiradan ee ah in Siyaasiyiin xasaanad iyo karaamo kuleh dalka si dhib yar ay ugu soo jeediyaan in xabsiga loo taxaabo ayaa ka turjumeysa khibrad xumo Guulwadeyn iyo damacooda guracan.

Waxaase ka gabashada Madaxweyne Siilaanyo ee in xabsiga la dhigo Masuuliyiintan ay muujineysaa halka ay xukuumada iyo mucaaridka Somaliland isla marayaan,iyo welia halka xaal sal dhigan karayo.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed