Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Iran oo wada hadlay mudo 30 sanadood ka diba
Washington Sept 28,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Xuseen Obaama ayaa sheegay in uu khadka Telephone-ka kula hadlay dhigiisa dalka Iran qadar daqiiqado ah.
Madaxweynaha dalka Iran Xasan Rooxaani ayaa dhankiisa sheegay in uu madaxweyne Obaama la soo hadlay xili uu dalka Mareykanka oo uu todobaadkan ku sugnaa uu ka sii dhoofayay.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in talaabadan ay qaadeen labadan masuul ay horudhac wanaagsan u tahay hagaajinta heshiiska xun ee labada dal u dhexeeyay mudada 30ka sanadood ah.
madaxweynaha dalka Iran ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo talaabada uu qaaday madaxweyne Obaama.
Waxaanu intaa ku biiriyay in ay labada dhan ka wadahadleen sidii looga wada hadli lahaa qodobka labada dal kala fogeeyay ee Nuclear-ka dalka Iran.
Si kastaba ha ahaatee waxa ay saxaafada dalalka Iran iyo Mareykanku aad u hadal hayaan wada-hadalka dhex maray madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Iran.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com