|

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya oo Ku Goodiyay inay Sii wadayaan la Dagaalanka Alshabaab ilaa amniga dalkooda ka xaqiijinayaan

Nairobi 27.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii wadayso dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab iyo howlgalka ammaan ee ciidamada Kenya ay ka wadaan Soomaaliya.

Joseph-ole-300x150Maleeshiyada al-Shabaab oo weerar dad badan ay ku dhinteen ku qaadday dhisme ganacsi oo Nariobi ku yaalla toddobaad kahor ayaa ku Hanjabtan  inay weerarrada sii wadayso, inta ciidamada Kenya ay gudaha Soomaaliya joogaa.

Ole Lenku ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay gudaha Soomaaliya galeen markii ay u arkeen al-Shabaab inay qatar ku tahay amnigooda, sidaas darteedna ay ciidamadiisa howlgalka u sii wadayaan inta danaha iyo amniga dalkiisa laga xaqiijinayo.

Ciidamada Kenya oo sanadkii 2011 gudaha u galay Soomaaliya si ay al-Shabaab uga fogayaan xadkooda ayaa hadda ka qayb ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxayna dowladda Soomaaliya ka caawinayaan la dagaallanka al-Shabaab, in kastoo hadda qatar amni ay kala kulmayso maleeshiyada.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed