|

Laba iyo Toban Qof oo Maamulka Ehlu Suna u Xidheen Xatooyo iyo dhac ay Gaysteen

Dhuusa Mareeb 27.Sep 2013 (SDN)- Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu maanta soo qabtay 12 qof  oo lagu eedeeyay inay dhac u geysanayeen dad ku nool deegaanka Carro-tuurka oo hoos taga degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ahlu-Sunna-300x200Guddoomiyaha golaha fulinta ee maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe Sheekh Cabdirisaaq Cali Mire ayaa  sheegay in eedeysanayaasha ay ku xireen saldhigga Dhuusamarreeb, isla markaana ay sharciga horgeyn doonaan.

Wuxuu tilmaamay inay sameyn doonaan ciidan ka hortaga falalka burcadda ay u geysanayso dadka rayidka ah.

Guddoomiyaha ayaa u soo jeediyay shacabka inay la shaqeeyaan ciidanka, si loo xaqiijiyo ammaanka gobolka.

Dhuusa Mareeb SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed