Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Maanta & Kulmiye Maxaay Ku Kala DuwaNaayeen?
Wakhtigii xisbigan xukunka maanta hayii uu mucaaridka ku ahaa xisbigii udub ee talada hayay, ayaa waxaa kulmiye ku caan ahaa dhaqdhaqaaq xoogan oo uu shacbiga dibada ugu soo saaro iyadoo xisbigii kulmiye lahaa ididiilo cad oo ay ku rabeen in aay isbedel siyaasadeed dhaliyaan.
waxaa kaloo jirtay inaay aad u dhiiranaayeen oo wax waloo qalad ah aay awood ulahayeen in shacbiga ugu baaqaan mudaharaad oo waliba iyagu hor kacaan siduu ku caanka ahaa madaxweyne siilaanyo ee uu marwalba shacbiga ugu dhex jiray ee uu hormoodka u ahaa.
hadaba su’aasha maanta taali waxa weeye maxaa u diiday labada xisbi mucaarad ee kala ah ucid iyo wadani in iyagu wadadii kulmiye oo kale qaadi wayaan? halka aay kaga caan baxeen in mar waloo maamul xumida iyo musuq maasaqa xad dhaafka ah ee xukumadan maanta talada haysi aadka ugu caan baxday aay ka biyo diidaan in talaabada aay qaadaan noqoto in tv yada dalka soo fadhiistaan amaba joornaalada wadaniga ah uun aay doodooda ka gudbiyaan oo marnaba aanay dhicin in aay ku dhiiradaan in aay hormood u noqdaan shacbigan jihadu ka halowday markii aay aadka ugu hagar baxeen xisbigii kulmiye oo runtii dhabar jab ku noqday kaasoo sababay maanta in shicibku dhiiranba waayo.
waxaa hubaal ah maanta in umadii laadahay hormood kalsooni doodi soo celiya iyadoo dareenkoodu aad u kacsanyahay laakiin kaliya aay laayihiin hogaamiyayaal dantooda ka hadla ku waaso muujiya in wax waloo jira
aay la dareensan yihiin umadana hor kaca.
mudaharaadku amaba banaan buxu maaha kaliya in xisbi talada lagaga qaado lakiin waxuu dhaliyaa in wax walba oo aay xukumadu ku qaldantahay in lagu saxo, waayo xukumadu umadeey u shaqaysaa umadii loo shaqaynaayayna hadii aay iyagu sixi waayaan habkii loogu shaqayn lahaa waxaa dhacaysa in xukumadu iyadu siday jeceshahay wax u maamulato oo sharcigu xumaado musuq maasuqu bato maadaamo umadii xilka aay u hayeen ee iyagu codkooda ku magacawnayeen aay laba xisaabtami laadahay in sida aay jecelyihiin wax u maamushaan oo nolosha umadu hoos u dhacdo sida maanta aay ku sugantahay umada reer somaliland oo maamul xumo, sixir barar iyo shaqo la’aani isugu darsanto iyadoo intaas aay u dheertahay in maalin walba cashuurta wax lagu kordhiyo.
xisbiga ucid waxaan leeyahay maanta wax umada xaqooda aad uga hadla idinkaa jira lakiin wax badan baa jira oo idinka dhiman oo aay kow ka tahay in aaydaan jeclaysan shaashadaha amaba in mar walba aad bogaga hore ee joornaalada ku sawirnaan uun ee umada reer somaliland maanta
xaal-keedu mugdi ayuu ku jiraa ee ficil wax ku ool ah oo dhaliya is bedel siyasadeed ayaa umadu idiinka fadhidaa. mucaarid nimaduna ma aha in aad xukunka hanataan uun ee waxa weeye in umada aad mustaqbal kooda wax ka bedeshaan idinkoo hogaaminaaya oo xaqooda udiriraaya oo waxii kadhiman tusaaya baraayana in aay soo dhacsadaan xaqooda iyagoo si nabadi ku jirto xuquuq dooda ugu banaan baxaaya oo hogaaminaysaan, talaabadaas oo dhalin karta in xukumadan waxa badani ka qaldan yihiin qudheeda aay daawo u noqon karto oo aay is bedel kuba dhaliso oo wax badan saxaan.
By: Aden Deeq