Godane Ha Isqarxiyo Hadii Janadu Run Tahay,Cali Dheere Caruurtisa Cayr Bay Yurub Ka Qataan ” Gudoomiye Tarsan
Muqdisho 27.Sep 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Gobolka Banadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa si kulul uga hadlay hadallada ka soo yeeraya Hogaanka Argagixisadda Godane & Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay inay been dadka ku jihaad galinayaan,waxaana uu sheegay inay Janadda hadii lagu galayo in dad la dilo ay iyagu qaraxa ka bilaabaan caruurtooda isla markaasna iyagu isku xejiyaan.
Tarsan waxaa uu daboolka ka qaaday in Godane Iyo Shiikh Cali Dheere Caruurtoodu ku sugan yihiin wadamada horumaray,waxaana uu sheegay inay qaataan lacagta cayrta la dhaho isla markaasna wadamo gaalo ku sugan yihiin,waxaana uu ku tilmaamay talaabada Ay wadaan Godane iyo Cali Dheere inay tahay inay ubadka soomaaliyeed marin habaabiyaan isla markaasna jibaad been abuur ah ka dhaadhiciyaan.
Tarsan waxaa uu daboolka ka qaaday in Shiikh Cali Dheere Caruurtiisu joogto Sweden isla markaasna wiilka iugu weyn uu wado TAXI,waxaana uu sheegay in Shiikh Cali Dheere uu doonayo inuu caruurta Soomaaliyeed been ka dhaadhiciyo isla markaasna uu ku halaago naftooda jihaad been abuur ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Godane ay caruurtiisu ku sugan yihiin wadamada Reer Galbeed isla markaasna adduunka ay mustaqbal ka sugayaan,waxaana uu sheegay inay iyaguna doonayaan inay caruurta soomaaliyeed ee masaakiinta ah ay bambaanooyin ku xiraan isla markaasna ay jihaad aan waxba ka jirin ka dhaadhiciyaan.
Ugu dambeyntii Tarsan waxaa uu ugu baaqay In Godane Iyo Shiikh Cali Dheere Caruurtooda keenaan isla markaasna isqarxiyaan ka dibna ay laftooduna isqarxiyaan,waxaana uu sheegay inay cadaabta si toos ah u gali doonaan isla markaasna ilaahay ku ciqaabi doono dhibaatooyinka ay caalamka iyo soomaliyaba ka geysteen.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com