|

Duqa degmada Berbera C/shakuur Maxamed Xasan (C/shakuur Cidin)oo ka tirsanaa Xisbiga Ucid oo Ku Biiraya Xisbiga Kulmiye iyo Cida loo sibir saarayo inay arrintan ka danbaysay

Berbera 27Sep13(SDN)  Duqa degmada Berbera C/shakuur Maxamed Xasan (C/shakuur Cidin)oo ka tirsanaa Xisbiga Ucid ayaa Ku biray xisbiga Talada Haya ee Kulmiye ka dib markii Mareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor-xoor uu u hawl galay sidii uu uga Mid Noqon lahaa Xisbul Xaakimka Kulmiye,Waxaana Shabakada Qurbejoog.com sidaa u xaqiijiyay Xubno u dhow dhow Maayarka.

Geesta kale Qaar ka Mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Berbera ayaa lagu soo waramayaa inay ku hawlan yihiin Mooshin Xilka lagaga tuurayo Maayar C.Shakuur Maxamud Xasan Cidin,Waxaa kale oo Magaalada Berbera laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ku wajahan Munaasibad salka ku haysa sidii Maayar Cidin loogu soo dhawayn lahaa Xisbiga Kulmiye .

Warku waxa uu Intaas ku darayaa in Boqashadii uu Madaxwanaha Somaliland ku tagay gobolka Saaxil ay horseeday  khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Berbera.

Xisbiga Ucid ayaa ilaa hada wax war ah aan ka soo saarin Xubinta kursiga ku fadhida ee ka baxday Xisbiga iyo sharciga inuu dhigayo in uu halka ku wayayo xubin nimadiisa xisbiga .

Tageerayasha Xisbiga Ucid ee gobolka Saxiil ayaa cadho ka mujiyey arrinka oo la wado in beri oo Sabti ah  loogu sameeyo magaalada Berbera iyo iyadoo ay Jiraan Cabsi laga qabo inay dhacdo xafladaas ,Maadama ay Jiraan Mooshin Xil ka qaadis ah oo ku Socota Maayar Cabdi Shakuur Ciddin Isla markaana qodobada ay u Cuskanayaan amuurtan ay ka mid tahay  Musuq maasuq iyo Wax is daba Marin.

Dhinaca kale Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa dhinaceeda aan wax warbixin ah ka soo saarin Fadhi aan Caadi ahayn oo ay yeeshaan Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera .

Si kastaba ha ahaatee hadii uu Maayar C.shakuur Cidin uu Sidaa ugu biiro Xisbiga Kulmiye ayaa Noqon doona Mas’uulkii 1aad ee ku soo baxay doorashadii Golayaasha Deegaanka ee u wareega Xisbi kale.

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

 

Berbera qurbejoog.com

Comments are closed