Somali ku Dhintay Dagaalada Siiriya Oo Sawirkiisa La Baahiyey
Damascas:27-Sep-2013(SDN)-Dagaalada Qadhaadh eek a socda Dalka Siiriya, ayaa la soo warinayaa inuu ku dhintay wiil soomaaliyeed oo haysta dhalashada waddanka Canada oo ka barbar dagaalamayey Mucaaradka dalka Siiriya.
Wiilkan oo lagu magacaabo Cali Maxamed Diiriye ayaa waxaa geeridiisa Warbaahinta dalka u xaqiijiyay dowladda Canada, iyadoo ay sidoo kale sheegtay in wiilkaani uu hore uga mid ahaa dhalinyaro hore isugu dayday in ay weeraro ka geysato dalka Canada, kuwaasoo loogu magac daray “Toronto 18” maadaama ay ahaayeen 18 dhalinyaro Muslimiin ah.
Wiilkani ayaa sidoo kale waxaa lagu qabtay xuduuda Canada iyo Mareykanka xili uu Canada soo gelinayay hub sharci daro ah, iyadoo xiligaasi xabsi la dhigay lana sii daayay sanadkii 2011-kii wixii ka danbeeyay wuxuu u wareegay dalka Siiriya.
Dowladda Canada ayaa dhalinyaro ku qiyaastay 100 dhalinyaro oo da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 27 sano jir ay u soo safreen dalka Siiriya si ay ugu barbar dagaalamaan kooxaha mucaaradka oo qaab Islaami ku dagaalamaya.
Hore waxaa magaalada Dimishiq ku lagu dilay Laba wiil dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaasi oo garab siinayay mucaaradka.
Soomaalida ku nool dalalka qurbaha ayaa dhallinyaradooda inta badan waxa ay ku kacaan Go’aanno mintidnimo oo lagaga qayb qaadanayo Dagaalada lagaga qayb qaadanayo meelaha la sheego in dad mulsimiin ah lagu laynayo, waxana ay taasi keentay in dhallinyaro badani ku dagmaan mustaqbalkoodana ku seegaan.
SDN.
Contact@somalidiasporanews.com