Mareykanka iyo Iran oo yeeshay kulankii u horeeyay mudo Sodon sanadood
New York Sept 27,2013(SDN)-Dawladaha Mareykanka iyo Iran ayaa qaaday tilaabo isku soo dhaweyn kareysa labada dal oo mudo sodon sanadood ah aaney madaxdoodu kulamo yeelan.
Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka John Kerry iyo wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Iran Mohammad Javad Zarif oo ayaa kolkii u horeysay si fool ka fool ah u kulamay markii u horeysay mudo sodon sanadood ah.
Labada Masuul oo markii hore ka wada qeyb galan kulan ay gollaha amaanka ee QM ka yeesheen arimnta Nuclearka ee reer Galbeedku walaaca ka muujiyeen.
Labada Masuul ayaa kolkii danbe yeeshay kulan gaar ah oo ay si gaara uga wada hadleen arrimaha cakiran ee labaal u dhexeeya.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in kulanku ahaa mid wanaagsan welise ay jiraan suaallo aaney Iran ka jawaabin.
“Waa kulan aanu soo dhaweyneyno oo aanu dooneyno in uu nejaxo,balse waxaanan weli jawaabo laga bixin arimo muhiima oo aanu Iran weydiinay”ayuu yiri Xoghaye Kerry.
Dawlada Iran ayaan ilaa iyo haatan ka hadal kulankan taariikhiga ah ee ay la yeesheen dawlada Mareykanka.
Balse wasiir Mohammad Javad Zarif ayaa kulanka dabadii sheegay in loo baahan ayahay in la sii anba qaado wadahadalada si isfaham looga gaaro qodobada labada dhan kala tirsanayaan.
Dawlaa Iran ayaa muujisay in ay dooneyso in ay gorgortan la yeelatay reer Galbeedka si looga dul qaado cunaqabateynta mudada dul saaran ee curyaamisay dhaqaalaha dalkaasi.
SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com