|

Afhayeenka Madaxtooyada oo faahfaahin ka bixiyay Odoroska Miisaaniyada Somaliland ee Maanta la Ansixiyay {DHAGAYSO}

Hargaysa 26.Sep 2013 (SDN)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa faahfaahin ka Bixiyay Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2014ka ee ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiiradu .

Mr Dhuxul ayaa Tilmaamay in Maalinba uu qarankani Talaabo dhinaca wanaagsan u qaadayo isla markaana ay Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay ka Go’an tahay Kobcinta Dhaqaalaha dalka isagoo sheegay in Maanta Golaha Wasiiradu Cod aqlabiyad ah ku Meel mariyeen Odoroska Miisaaniyada qaranka ee Sannadka Soo socda ee 2014ka oo ka kooban ta dawlada oo ay hoos yimaadaan Hay’adaha Madaxa Banaan iyo Golayaasha deeegaamada iyo ta Xukuumada isagoo intaas ku ladhay in Miisaaniyadani ay ka badan tahay ta Sannadkan aynu ku Jirno 27 Milyan oo dollar.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalkii afhayeenka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Dhuxuldhuxul27.mp3″]

Comments are closed