Golaha Wasiirada Somaliland oo Meel Mariyay Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2014ka
Hargasya 26.Sep 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirada Somaliland oo uu Shir Gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyad Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Cod aqlabiyad ah ku Meel mariyay Miisaaniyad Sannadeedka qaranka ee 2014ka .
Sida u Shabakada Qurbejoog,com u xaqiijiyay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale waxay Miisaaniyadani u qaybsan tahay Miisaaniyada dawlada oo dhan “laba boqol iyo laba iyo Toban Milyan oo dollar”,halka ay ta Xukuumadu ka Tahay “Boqol iyo Laba iyo Konton Milyan oo dollar” oo u Dhiganta ” Sagaal Boqol iyo Laba iyo Toban Bilyan oo Shilling Somaliland”.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis Samaale waxa uu xusay in Miisaaniyadan ay ku jiraan Mashaariic badan oo ka Turjumaya horumarka dalka waxaanu intaas ku daray in Miisaaniyadani ay ka badan tahay ta sannadkan aynu ku guda Jirno ee 2013 ka 27 Milyan oo dollar.
Miisaaniyadan ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiiradu ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee ay Somaliland yeelato Mudadii ay Jirtay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com