Kulan lagaga hadlayay daryeelka Ubadka darbi Jiifka ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo hargaysa lagu soo gunaanaday
Hargaysa 26.Sep 2013 (SDN)-Kulan lagaga hadlayay dar dargalinta hawlaha shaqo ee wasaarddaha dawlada eek u shaqada leh arimaha caruurta oo socday mudo laba maalmood ah ayaa lagu soo gabagabeeyay huteel ka guuleed ee magaaldda hargaysa.
Kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka kala socday wasaardaha shaqada iyo arimaha bulshada , cadaaladda , waxbarshada , maaliyyada arimaha gudaha , caafimaadka iyo sidoo kale caruur da ayar ah oo ka kala socotay caruur la nool waalidkood iyo caruur ku nool xarumaha agoomaha , darbi jiifka iyo kuwa baahiyaha gaar ah leh,
Kulankan oo ujeedadiisu ahayd in wixii tabasho iyo baahiyo ah ee ay qabaan caruurtaasi sidii loogu gudbin lahaa hayadaha dawalada ku masuulka ah islamrkaa wasaaradahaasi ay u kordhin lahaa wax u qabashada caruurta , waxa halkaasi ka hadlay xildhibaan xareed oo ka mida golaha guurtida iyo xildhibaan maxamed xuseen oo ka mida golaha wakiiladda ayaa labadooduba ka waramay in golayaal ahaan ay ahmiayad gaar ah siinayaan wax u qabashada caruurta iyo sidoo kale wax ka qabashada dhinayada xeerarka iyo shuruucada la xidhiidha xaquuqaadka caruurta Somaliland.
Gabagabdii waxa halkaasi ka hadlay ku simaha agaasimaha hayadda wadaniga ah ee anbikan xasan ismaaciil oo sheegay in barnaamijkan ay gacan ka siisay saave children islamrkaana ay fulinayso anbikan waxaanu intaa raaciyay in uu rajayanayo in midho fiicani ay kasoo baxaan wixii laga bartay mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com