“Horta Sharcigu Ha Qabto Mas’uuliyiinta Habeen oo Dhan Waxa Mamnuuca Ah Cabba Ee Khamriga Mamnuuca ah …….” Eng. Faysal Cali Waraabe.
Hargeysa:26-Sep-2013(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag u naqdiyey qaabkii ay xildhibaannada Golaha Wakiilladu ku sii daayeen maalintii Dorraad xeerka Takaaliifta Waddooyinka ee ay Madaxtooyadu u soo gudbisay, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay dhaafsadeen dano gaar ah.
Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu ayaan darro ku tilmaamay Hoggaanka dalka oo uu sheegay in uu Sharciyaddii ka leexiyey jidkii saxa ahaa una adeegsaday mid qadhaabsi ah oo hanti urursi ah. “Mar haddii Fulintu ay faro xumeyso sharciga iyo garsoorka, iyada oo lacag iyo qabiil ku soo faro gelinaysa, dalku nidaamka dawladnimo wuu ka leexanayaa” sidaa ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe,
waxaanu intaa ku daray in ay Mucaarid ahaan isbahaysi xooggan la yeelanayaan Madasha wada tashiga si ay iskaga caabiyaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gadh wadeenka ka yahay “Waxaanu jecelnahay inaanu buuxino shuruudihii ay noo qabateen (Xukuumaddu), xisbiga kale ee Mucaaridka ahna (WADDANI) aanu la tashi la samayno si aanu iskaga caabino xukuumaddan aan sharciga ku soconayn ee aan hoggaanka midaysan lahayn ee wasiirradu wasiirrada xukumayaan ee is dhex yaaca ah, si aanu uga hor tagno bal xukuumaddan nidaamkii burburisay si aanay dalka u burburin, waayo haybadii, nidaamkii, kala dambayntii, sharcigii iyo maamulkii way burburisaye balse inaan magacu innaga burburin. Markaa waxaanu jecelnahay in saaxiibada mucaaridka ah iyo xubnaha kale ee Mujaahidiinta wada tashiga is kaashano, xildhibaannada damiirka lehna isku darno oo la caabiyo fawdadan dalka ka socota iyo hoggaankan khalkhalay ee meel uu u socdo aan la garanayn” ayuu hadalkiisa ku ladhay Guddoomiyuhu.
Dhinaca kalena waxa uu Faysal Cali Waraabe Difaacay Mawqifkooda Mucaaridnimo isaga oo deedifeeyey Sharci darrada ay Xukuumadda iyo Xisbul xaakimku ku eedeeyaan inay xaalad abuur yihiin, “Waxaanu leenahay ragga hanjabaya ee leh sharciga lagama sarreeyo oo sharcigaa wax walba ka sarreeya. “Horta sharcigu dadkii ummadda boobay ha soo qabto, qofka mucaaridka ah ee yidhi waar aan tashano oo aan wax hagaajisano ma qabanayo sharcigu ee waxaa uu qabtaa Ninka Mas’uulka ah ama gabadha Mas’uulka ah ee xoolihii ummadda si cad u xadday ee u boobtay ee Land-cruiser-rada kiraystay ee dadka ka iibiyey ee lacagtii garoonka la la’yahay ee lacagtii shidaalka lagu bixiyeyna la la’yahay. Horta dadkaa ha la soo qabto hadday dhab tahay” ayuu yidhi Guddoomiye Feysal Cali Waraabe,
waxaanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Kuwa Iyaguna waxa mamnuuca ah cabba, ee khamriga cabba ee Mas’uuliyiinta ahna hala soo qabto, ee habeen oo dhanna sikhraansan kuwaasaa sharcigu qabanayaa” ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Dorraad Waraysi Gaar ah siinayey Telefishanka Somali Channel.
SDN.
Contact@somalidiasporanews.com