|

Madaxweynaha Iran oo ka gaabsaday ka qeybgalka Qado Qaramada Midoobey u sameysay madaxda Dunida,maxey tahay sababtu?

NY Sept 26,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Iran Xasan Roxani ayaa qaadacay ka qaybgalka qado lagu casuumay madaxda Caalamaka ee haatan magaalada New York u jooga ka qeybgalaka kulanka guud ee QM.

Madaxda caalamka ay  sanad walba mar isugu tagta xarunta qQaramada Midoobey ee New York si looga arin sado kolba xaaladaha dunida soo wejaha.

Madaxweynaha dalka Iran Xasan Rooxaani oo kolkii u horeysay ka qeybgalayay  kulanka madaxda caalamka ayaa ka gaabsaday ka qeybgalka mid ka mida kulamada ugu muhiimsan.

Madaxweynaha Iran oo saxaafadu sugeysay in uu ka soo qeybgalo qadada ayaan ka soo xaadirin qadada.

Wefdiga madaxweynaha ayaa shaaciyay in sababta ay uga qeybgali waayeen qadada in ay tahay iyada oo khamri uu ku jiray raashinka qaar.

Madaxweynaha Iran ayaa saxaafadu dooneysay in ay suaalo ka weydiiso siyaasada cusub ee uu dlkaasi haatan ku wejahayo reer Galbeedka.

SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed