|

Mucaaridka Hubeysan ee Syria oo ku kala Jabay Hogaankii ay ku mideysnaayeen,Shareeca Islamna Maciinsaday

Beirut Sept 26,2013(SDN)-Ku dhwadaa dersin ka mida mucaaridka hubeysan ee Syria oo ay ka mid yihiin qaar xiriir la leh Al Qaacida ayaa shaaciyay in ay ka baxeen hogaankii dib jooga ahaa ee ay ku mideysnaayeen.

Mucaaridka ayaa sheegay in ay tahay in dalkaa lagu xukumo Shareecada Islamka haatan wixii ka danbeeya.

Tilaabadan ay qaadeen mucaaridka Syria ayaa adhaxda ka jebineysa wada shaqeyntii dhawyd ee reer Galbeedku la lahaayeen kooxaha mucaaridka Syria.

War ay wada jir u soo saareen 11 kooxood oo mucaaridka hubeysan ka mida hubeysan oo Jabhat al-Nusra oo Al Qaacida xiriir la leh ayaa diidmo ku soo dhaweeyay doorashada Axmed Touma oo dalada mucaaridku dhawaan u dooratay hogaanka mucaaridka.

Doorashada Axmed Touma ayaa sababtay burburka iyo in ay mucaaridku kala jabaan ka dib ololihiisii dooroshana dildilaacan ayaa soo shaac baxay.

Si kastaba ha ahaatee tilaabadan ay ku kala qeybsameen mucaaridka Syria ayaa ku soo beegantay xili ay quwadaha Aduunka ee Ruushka iyo Mareykanka ay heshiis ku gaareen in nidaam siyaasadeed xal loogu helo Syria.

SDN-Beirut
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed