|

Shacabka Somaliland Dastuurka ayaa u-damaanad qaadey ee tumaatida ku maqan ha ka taabusheystaan

Bilow-geenu waa Bisinka-iyo-Saliga iyo Tabaariga-iyo Tiirarka adag ee Eebe!  Waa Qormooyinkeenii taxanaha ahaa ee tusamada ahaa ee tusaaleynta ahaa ee turxaan-bixinta ahaa ee dul-marka,iyo duur-xulka ahaa ee digniinta iyo durniinka ahaa ee qaawinaayey Xukuumadeena iyo hawl-wadeenadeeda qaarkood  gaar-ahaan kuwa  qiyaameeyey qaranka ee qorsheystey qandaraasyada qarsoon iyo qaleylkii ay ku qaadan lahaayeen ee ay ku qeybsan lahaayeen Mancafacii, Maalkii, Moodkii, Magantii iyo Mooradii ummadda oo dhan ka dhaxeeyey.Waa qormooyinkeenii qeexaayey ee qiraayey kuwa loo xan-baariyey xilalka aaney qaadi-kareyn ee aaney xaqa, xagaanka iyo xeerka u-laheyn ee aan hadana laheyn hadafka cad,hiyiga iyo hilaada durugsan,sahanka iyo saadaasha dheer, Odoroska iyo aragtida fog, ee dawladnimada u-yaqaana Daas-nin leeyahay, kuwa findhicilka ah ee dabo-ka-nuuga ah ee dulinka ah ee gadaal-dhaladka ah ee mansabka ku shaqeysta ee ku-xoogsada ee u-soo tafaxaytey in ay wadanka ka dhaansadaan dhiilahooda gorofta ah ee aan laheyn lingaxa, car-tirka iyo cidaadka ee goostey in aaney ummadda u-dheelman,u-dhurin, u-dhididin u-dhafrin una-dhaamin.Waa qormooyinkeenii qalaxaayey ee qoofalaayey ee qod-baayey kuwa kursiga ku-ugaadhsada ee shebekadaha iyo dabinada daadsadey baddaha ilaa beriga, D/hoose ilaa Howlaha Guud, Madaxtooyada ilaa iyo Dekeda Berbera, kuwaas oo wada noqdey dabo-kanaax ku-malab-sada dus-duska, luf-lufka, af-dhuunyaaleynta iyo dhiigii iyo dheeftii ummadda baahan, kuwaas  oo  ay ka go’an tahay in ay mar-kasta dha-dhamo ay dheecaan siistaan, maa-daama ay dalqada indho-ku-leeyihiin xubnihii Xukuumada ee dabri lahaana ay lafo-toobin ku hayaan  oo ay gacan wadaag togan la-leeyihiin.

Waa qormooyinkeenii dad-banaa ee duur-xulka iyo digniinta ahaa ee u-quus-goynaayey kuwa noqdey  dha-dhan raaca iyo dhuuni raaca ee hadana noqdey  hayb-raaca iyo isir-raaca ee dayacey hawlihii loo dhaariyey ee ay ummadda wakiilka uga ahaayeen.Waa qormooyinkeenii qaawinaayey ee duraayey kuwa Miliqsanaaya ee Miciyaha  lisanaaya  ee macal-cune-yaasha ah ee hadana qal-dhabaaya ee qaw-dhamaaya ee Madaxtooyada ku-qamaa-maaya ee ku-weyraxaaya ee ku-gadoodaaya sidii ay xoolihii ummadda ugu-sameysan lahaayeen xidaaro qarsoon iyo xeedhooyin gun’la. Waa qormooyinkeenii u-quus-goynaayey kuwa soo toshey kiishka  dheer ee afkiisu  taxan-yahay  Dekeda Berbera dabadiisuna ku-taalo Xeyndaabka Madaxtooyada ilaa Xawaaladaha London “bal-waa yaabe, talow yaa buuxin karaaya! ” Waa Qormooyinkeenii u-duur-xulaayey kuwa halaan-halka nafta moodey markii Miisaaniyadii ay odoroseen ay yeelan weydey Tashiil, Taxliil iyo Turuq ee dhexroorkii, Dhextaalkii iyo Miisaankiiba ka lumey ee laga waayey Xaq-dhawr, Xaq-soor, Xishmad iyo Xisaabtan.Waa qormooyinkeenii qawla-leynaayey ee qod-baayey kuwa ku hadra hadalka turxaanta iyo tumaatida badan,  hawraarta iyo  tiraabta naxliga huwan iyo kuwa ka haajirey diintii, hidihii iyo dhaqankeenii suubanaa ee had-iyo goor warbaahinta kaga hugma ee kaga hadaaqa hadalada aan hilaabneyn ee aan hano qaadka aheyn ee aan marriimneyn ee aan murtida badan laheyn, kuwaas oo u-badan Caqli-gaabyo cawaaniin iyo caado qaateen wada ah oo sheegta Caaqilo laakiin hada caagle-yaal  la magac-baxey.Waa qormoyinkeenii u-diraayey digniinta -culus-damiirlaawe-yaasha- dulugle-yaasha ah ee dilaaliinta ah ee qalbiga ka lingaxan ee u- fududeeyey qawleysatada in qusum iyo qoon lagu qaybsado hantidii ma-guuraanka aheyd ee ummadda u-dhaxeysey kuwaas oo iyaguna  ku ma-may futeynta, fagista, fiiqsiga, fadhateysiga iyo ku-tagri-falka hantidii iyo asadkii ummaddeena  baahan ee debed-yaalka u-ah  dan-yar-nimada  iyo dac-darada dabeecadaha is-barkan ee aan saadaasha fiican laheyn.Waa qormooyinkeenii diidanaa in qar-qarsi iyo qoor-qabad lagu urursado cashuur aaney dan-yarteenu qaadi kareyn si  dhiigii iyo dheecaankii shacabka tabaaleysan looga dhigto qurbaan,qadhiidh, iyo qudh-qudho joogto ah.

Waxaa dastuurka Somaliland uu muwaadinkasta oo Somalilander ah uu u-damaanad qaadayaa oo uu xaq-u-siinayaa in uu aragtida fikirkiisa, dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer-garad-nimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, edeeynta, toosinta, tusmeynta iyo tusaaleynta  xukuumadiisa uu intaba uu xor u-yahay ,xaqna u-leeyahay isaga oo dhawraaya oo aan ku-talax tegeyn milgaha, karaamada iyo xuquuqda muwaadin-kasta  uu siiyey dastuurka qaranku,  Waa hadii aynu run-sheeg nahay oo ay  inaga dhab-tahay in aynu yag-leelno oo dhab-dha-bano oo dhirin-dhirino oo miiqno oo tol-tolano oo toos-toosino  dimuquraadigeena  dada’yar ee curdinka ah madhaxa iyo may-dhanaanka noqdey ee silan ee sirxan ee sirgacan ee sidkan ee solmay ee saqiirey ee socodkii-baran-waayey ee sii rifmaaya, ee sii ribanaaya ee sii ruxmaaya ee sii raarmaaya ee sii roormaaya ee sii ragaa-daaya ee ra-ranka maanta ay saartey gacantii xukuumada ee loo doortey ee loo dirtey ee  lagu aaminey ee loo dhaariyey in ay Kab-kabto, kool-kooliso,ababiso,bishisho,oo naaxiso.
Dastuurka ayaa muwaadin kasta u-damaanad qaadaaya in dimuqraadiyada si xalaal ah oo badheedh ah la isugu dhaliilo, la isugu ololeeyo si uu xilku uu meerto u-noqdo oo ay digtaytornimadu ay meesha uga baxdo. dimuqraadiyaduna u-meel-marto, Markaa waxaa ummaddu wada aragtaa hadda in xukuumadu sii  salaxaneyso sidii ay cimriga u-dheereysan laheyd  waayo waxaa caqliga fiyoobi ku siinayaa in aan waqtiga u-hadhey aaney doorasho ku qaban Karin ,waayo  xukuumadu ummada iyo hayadihii ku shaqada lahaa midna may tusin  ilaa hada  time-line kii lagu dhirin-dhirin lahaa ee loogu go-gol-xaadhi-lahaa hawlihii doorashooyinka isku lamaan ee dhowr-iyo tobanka bilood ay ka hadheen.
Waxaa nasiib-daro qaranka ku-habsatey ah in maanta taladii bud-dhiga qaranka S/Land uu qacanta u-galey  Koox-yar oo bud-cad ah,oo aan laheyn hab-dhaqan maa-mul iyo haykal dawladnimo oo aan laheyn biseyl iyo waayo-aragnimo siyaasadeed  iyo aragti fog oo wadanka lagu hago oo loogu sahan tago.Kooxdan budh-cad dawladeeda ah ee mansabka ku ugaadh-sada ee mar-marna u-xuub-siibta Dilaa-liinta shirkadaha qalinka la  hor-yaaca,  si ay xaqal-qalinka jeebka ugu shubtaan ,Mar -marna la soo baxa  xirfad-beeleedyo iyo lacag-isku lifaaqan oo  ay ku-fur-furaan gudiyadii  labada gole ee qaranka waa-golihii baarlamaanka iyo golihii guurtida iyo weliba  mucaaridkii toosin-lahaa ee dabri-lahaa. Taas oo ay ku-guuleysteen oo ay maanta kuu cadaaneyso  sida ay xildhibaanadii markii hore ka soo hor-jeeday xeerka cashuuraha wadooyinka in markii la mustafeysiiyey ee dhabarka loo xoqey in ay xeerkii sii daayeen , hal-kaas oo ay shacabkii Somaliland ay u-cadaatey in xildhibaanadu ay iyagu uun ay daney-sanayaan halkii ay dan-yartii dooratey ay hoos u-eegi lahaayeen ee ay u-daneyn lahaayeen una dar-yeeli-lahaayeen.

Nasiib-daro golihii baarlamaanku wuxuu noqdey duul –bilaa –dareen ah oo aan ka turjumeyn baahida, sicir-bararka,iyo guuxa iyo dareenka isa soo taraaya ee kaga imanaaya dan-yartii diratey ee doortey in ay u-doo-daan oo ay daryeelaan,waa shacabkii codkooda kursiga ku saarey. Waxay noqdeen daneystayaal, “anuun-baa-nool ah” , waxay noqdeen dilaaliin, damiirlaaweyaal daba-ka-nuug wada ah, ku waas oo aan dadnimo iyo dareen naxariis leh aan ummadii dooratey u-laheyn.

Waxa ay aheyd in ay dadkii soo doortey ee ay wakiilka ay ka ahaayeen in ay dhegeystaan dareenkooda, rayigooda iyo cabashadooda oo ay u-hiiliyaan.laakiin waxay eegteen dantooda gaarka ah iyo dhaameelkooda ,qadhiidhkooda  iyo qurbaankooda  qusumka iyo qoonta ah ee aan bireysneyn.

Waxaan leeyahay  Somaliland -shacab-yahow ma-qaadi kareysaan tacadiga cashuurta badan ee la idinkula kufey ee waa in aad ka kacdaan oo aad ka mudaaharaadaan. Shacab-yahow waxaa idinku soo maqan tumaati hor leh ee katabaa-busheysta oo u-sii-diyaar-garoowa in dhegaha la idiin furo oo cabashadiina lagu  dheygeysto mu-daaharaadkiina salmiga ah. Shacab-yahow idinka ayaa Wakiilada Doortey, Madaxweynaha doortey idinka ayaana ridi kara hadii ay idiin adeegi waayeen sida ku-qeexan Dastuurka Qaranka yar e barakeysan ee maanta ay raranka Saartey xukuumadii loo igmadey ee lagu aaminey. Waa in ay Xukuumadu ka turjuntaa dareenka iyo guuxa shacabkii doortey, waana in ay joojisaa inqilaabka isdaba jooga ee ay ku hayso shuruucdii yaraa iyo dastuukii qarankaba.

Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Comments are closed