|

Debedjirka Hungoobay by Mahad Kooshin

Soofkii hore ayaa agaasimay hungo iyo haan maran dabadeed na soofkii dambe u noqday waayo’arag oo gardaaddihiyey. Ka dib waxaa dhashay saluug ku daruuran dalka la yimid oo sooyaacii gunaanaday siiyaac.” 

Burburkii dawladdii dhexe ka dib ayay Soomaalidu ay cagta la haleeshay dalalka Galbeedka oo la kowsatay nolol cusub. Dadka dalalkaan deggan Soomaaliya meel ay dunida uga taallo ma aqoon. Indho-dillaacsigii barasho waxaa uu bilowday markii adduunku u gurmaday macaluushii horraantii sagaashameeyadii. Dabadeed waxaa barasho guud loo yeeshay Soomaalida iyo Soomaaliya. Debedjirka soo barabaxay labaatankii sano ee burburku jiray aad ayay uga duwan yihiin waageenigii waagii dalku sugnaa. Waagaas Soomaali badan debedda ma joogin waxay se lahayd niyadwanaag, aqoon, kalsooni iyo safaarado ay ka babbanayeen calanka Soomaaliyeed ee Buluugle.

Aqoonyahan iyo ku magaciisa aan qori karin iyo intii u dhaxaysey ayay dantu badday dhulal fog oo naftu ay u beraartay. Dadka loo yimid si kasta ayaa looga duwan yahay; dhaqan, af, midab, xeer, diin, iwm. Waxay Soomaalidii sooyaacday u qaybsantay laba qaybood; dad baa la hanaqaaday isbeddelka oo hantay shaqo, maal iyo waxbarasho sare, meesha qaar kale eersaday imaatinka dalalka shisheeyeed oo ku hungoobay. Waxaa la oran karaa Soomaalida soo hafatay boqolkii ba siddeetan waa seegtay yididdiiladii soo dhoofitaankii, halka boqolkii ba labaatan (ama ka yar) horrumar gaartay. Sidaas darteed waa lagama maarmaan faahfaahinta xaalad nololeedka debedda maadaama aawadeed dad badan bad iyo berri nafta ugu biimeeyay. Waa lama huraan in sawir dhab ah loo iftiimiyo dhallaanka dalkii ee hammigoodu yahay tahriib iyo dhoofitaan. Haddii ay ogaan lahaayeen dhabta jirta waxay kaashan lahaayeen go’aanqaadasho dheehan gorfayn dheellitiran iyo ka waabasho guuldarrooyinka debedda dhisaalan.

Soomaalida gaaxsatay guulaha wax ku oolka ah waxay mudan yihiin tixgelin iyo mudnaanta koowaad. Ha ahaatee, qallafsanaanta nolosha ay la kulmeen awgeed, qaar badan ayaa ku go’doonsan Galbeedka oo qoomaameeyay oo habeen barkiis dheelman lahaa haddii ay awoodaan. Han kale ayay beeleen oo maankoodu waa quustay oo intaas ayuu ku maaweelaystaa. Maanka gumoobay ayaa nolosha u tusay ku-meel-gaar – inta Soomaaliya xasilayso ayaan dal kale ku nagaan. Ma-guulaysteyaasha hamiya dib-ugu-laabashada dalkii waxay Soomaaliya u arkaan huteel lagu raaxaysto oo looga waabto kadeedka nolosha. Uma muuqato fursadaha ag ceegaagan iyo hawsha dalkii uga baahan yahay. Waxay ka caaggan yihiin waxbarashada ama fursadda shaqo-barashada ee dhaxalsiin kara takhasus ay dalkii iyo dadkii u manaafacaan. Ma ogsoona noloshu waa waxa aad maanta qabato ee ma aha wax aad maalin qaban doonto iyo meel aad gaari doonto. Dadka sidaan u fekera ayaa guud ahaan ka masuul ah in Soomaalida debedda lagu dhaleeceeyo;

  1. Cayr-ku-nooleyaal (shaqo ka faana)
  2. Ma-shaqaysteyaal
  3. Qoon ilbaxnimadu u garsheegatay oo dunida ka haray
  4. Dad ka agnaan ah magaalo-joognimada
  5. Dad bulshada ka gooni ah oo isla saxsan
  6. Dad aan faaiido u joogin dalalka marti sooray
  7. Laga-faaneyaal lagu sharaf dhisto oo lagu dhaato

Dooddaan waxmagaradda iyo xagjirku door kuma leh. Labadaasu ma tiigsadaan daraasayn aqooneed ee waxay ku talaxtagaan wixii ay rumaysan yihiin keliya, si kasta runta ha uga fogaatee. Soomaalidu waxay ku maahmaahi jirtay “qunyar socod qodax ma muddo” iyo “dadnimo waa waayo’aragnimo”, waxay ogsoonayd oo ka digtoonayd halista ay ardaalnimada iyo xagjirnimada Soomaalida maanta saaqay leeyihiin (laba ka dhasha saboolnimo iyo aqoonyari isbiirsaday). Waxaa kale oo ay oran jirtay “nin aan shaqaysan shaah ma cabbo” oo ay ku maamuustay halkarnimada Soomaalida debeddu ka gilgilatay, heer qaar biyo kulul cusbo ku qastay, si dhiiggu u karo oo isbitaal loola cararo, oo ay gunnada hawlgabka u sii qaataan oo loo oran shaqaysta. Dooddaan waxaa iska leh inta ogsoon miraha maxsuul ahaan ka dhashay sooyaacii xigay dagaallada sokeeyeed.

Dalalka qaabbilay qaxoontiga tabaalaysan xeer ma farin. Waa un kaalmo aadmiyeed keliya. Waxaa qaxoontiga loo qaabbilay in ay nolol wanaagsan abuurtaan, shaqaystaan, waxbartaan, maal yeeshaan oo intii tabartood aaran iyo doog u hagaagsamaan. Dalku na wuxuu rabaa dad waxtar leh, aqoon leh, karti leh oo u hagar baxa. Wax wal ba waxaa ugu horraysa su’aasha ah; maxaa qofkaanu dalka ku kordhin karaa? Waxmagaradda waxay ka doortaan waxgaradda, ma-shaqayste waxay ka doorbidaan hawlkarka, ankee ka foolxun waxay ka jecel yihiin ka qurxoon. Waxay xushaan waddaniyiin dalka naf u hura. Si kale, “haddii aadan dunida wax ku soo kordhin adiga ayaa siyaado ku ah.” Dhammaan waa waxa dalkii tebay. Ma doonaan dad sugaya inta dalkii hooyo saldhiganayo oo dhulkooda ku raaxaysta iyo dad aan dalka la qabsan karin. Ma daneeyaan dad sita feker silloon oo qaad-cuneyaal ah oo maandoorriye cusub baaxadda ku soo biiriya oo si qaab daran u lebbista.

Dadka qaar waxaa isaga qaldamay xeerka bulshada looga dhex nool yahay iyo xeerka dalka u dhigan ee dawladeed. Tusaale ahaan haddii xeer dawladeedku qeexay qofku sida uu doono ha u lebbisto, bulshadu waxay leedahay xeer gayaxan oo lebbiska ku saabsan oo haddii qolo ku tumato ay mutayso ganaax bulsheed. Ganaaxa bulsheed waa quursi isir lala tiigsado, haddii ay tahay shaqo, waxbarasho ama goobaha bulshadu isugu timaaddo. Sidaas ayaa bulshadu u dhisan tahay oo ciddii ku dhex nooli raacdo u tahay. Dhanka kale waxaa cukan dadyow diin ama dhaqan ahaan aan la qabsan karin bulshoweynta, sida haweenka xagjirka Kaatooligga iyo Aamishka ilbaxnimada geesmaray dhaqan ahaan, labadu ba bulsho iyo magaalo kuma labtaan oo lebbiskooda ayaa laalay ugu horrayn. Soomaalida ku-bayrka labadaas gaysh midkood ayaa horyaal. Soo-galootiga dhoof ku yimid oo nolol uu dhisan karin loo hibeeyey ayaa dan leh oo ay tahay in uu tusaaleeyo riyaaqitaan bulshoweynta taakulaysay. Mahadnaq iyo abaalgud ayaa gudboon ha yeeshee dad baa intaasu garawshe ahaan fiiro dheer uga baahan tahay.

Soo-galootiga soo-dhowayn ayaa loo fidiyaa muddo kooban. Agliil ka dib waxaa loo kuurgalaa waxtarka, aqoonta, dadnimada iyo dhalad ahaanshahooda. Muuqaalka Soomaaliyi astaamaysan tahay waxaa weeyaan dad madoow oo ay Carabtu saamayn ballaaran ku yeelatay ama Afrikaan Carab ismooday. Meel kasta oo qofka Soomaaliyeed dunida uga nool yahay waxaa hubaal ah in uu astaan Carbeed shaabbadaysan yahay oo mid Soomaaliyeed ka suulay waa’ hore. Tusaale ahaan waxaad arkaysaa guri Soomaaliyeed oo dhammaan lagu xardhay alaab iyo fadhi Carbeed, asii dadka ku nool Afrikaan madoow yahay. Waxaa diiwaangalay hab-dhaqan, hab-feker iyo hab-nololeed takoora Soomaalinnimada oo sarraysiiya Carabaysiga, kaas oo dhimaalay garashadii iyo dareenkii waddannimo ee Soomaaliyeed oo aloosay wareer baahsan. Waxaa siyaadiya dhaqankii reerguuraannimada iyo hantiwadaagga oo bulshada nolosha la qaybsaday oo horrumar ka ciribtiray.

Soomaalidu waxay la kulantay bulsho qofka lagu qiimeeyo muuqaalka, aqoonta, hawlkarnimada, iyo miisaanka hadalkiisa. Bulsho ka ilbaxday diin oo aan u tukan roob oo biyo sifayn baratay. Bulsho noloshu tartan tahay oo karti iyo mudnaan lagu kala baxay. Tartan-nololeed suntan qof ba kartidiisa, dabadeed dadka uu ka soo jeedo lagu bilaal tixgeliyo isir ahaan. Waxaan u nimid dad carruurtu inta ay dhalan ka baaraandega nolosha ay ku noolaan doonaan; nafaqada, aadaabta, dhaqaalaha, iyo wax wal ba oo nolol doorsoon u horseedi doona. Baaraandeg u qorshaysan hoyga iyo xaafadda, iskuulka iyo saaxiibka ay yeelan doonaan. Carruurtaan waxaa lagu beeray muhiimadda hawlkarnimadu leedahay, qiimaha waxbarashada iyo tartanka noloshu ku salaysan tahay. Waxaa na laga ilaaliyey koolkoolin oo loola xaajooday sidii dad waaweyn oo dawga la garansiiyay. Marka ay 18aad jirsadaan waxay ku hubaysan yihiin dhiirrinaan iyo firfircooni ay ku halgan tagaan. Haddii waajibka ay gudan waayaan ee wakhtiga ay la xisaabtamin ee meelaha gaafwareegaan waxay u dabargo’aan dacdaro. Waarid ahaan na haddii qorshuhu suurogali karin; maxaan dunida u keenaa oo silic iyo saxariir ugu tijaabinayaa? Dalka iyo dadka ayaa sidaas ku horrumaray maadaama wax-soo-saarka koowaad ee bulsheed yahay waxbaridda ubadka.

Qaab-dhismeedkaas bulsheed ayay ku waabariisatay Soomaali ka soo carrowday xero qaxoonti iyo tuulooyin oo lalisay hab ay ula dhaqanto. Taas waxaa ka masuul ah dhawr arrimood. Waa mid’e, ma leh reermagaalnimo ay kula qabsadaan ama waa xagjir qufulan oo maanku gadoontiyay. Mar labaad, degaadda meelo Soomaalidu isku uruursatay oo ka takooray dhexgal, fahanka bulshada iyo wax-ku-yeelashadeeda. Marka saddexaad na, gebagebo dhisaalan wareer, dhaqaale-darri, horrumar la’aan qofka hoos u dhiga oo sii ambaqaada beerlaalni nololeed. Soofkii hore ayaa agaasimay hungo iyo haan maran dabadeed na soofkii dambe u noqday waayo’arag oo gardaaddihiyey. Ka dib waxaa dhashay saluug ku daruuran dalka la yimid oo sooyaacii gunaanaday siiyaac.

Guud ahaan, Soomaalida ku guuldarraysatay in ay diblomaasiyiin wanaagsan ka noqdaan dalalka marti sooray ayaa astaamaysan “3G” – Guri-dawladeed, Gargaar-dawladeed iyo Garoob. Xaafadaha Soomaalidu ku karantiilan tahay ee liita waxaa ku yoto’an xumaan oo dhan; dembiileyaal, maandoorriye, saboolnimo, iskuullo waxbarasho hooseeya, shaqo la’aan iyo dibjirnimo. Isbahaysiga la isku aruursado xaafadaha qarriban ayaa aafeeyey dhallaanka Soomaaliyeed. In badan waxaa dhalay waarid aan dhaqaale ahaan awood barbaarin ama korriin carruur badan (maxaa qof aan laba korin karin u dhalay lix?), waarid uu hareereeyay sasdhaqaneed (culture shock) oo samaamuray. Geesta kale, odayaal u foofa oo maqaayadaha ka sheekeeya oo u gacan galay sokoroow iyo dhimir la’aan shaqo la’aantu horseedday ayaa tusaale xun u noqday oorta, raggii Soomaaliyeed na ka dhigay hoodo-laaweyaal nolosha ku guuldarraystay. Halkaan waxaa ka digorogtay isdiiddooyin iyo ismaandhaaf la soo dersay dhallaanka ka aroora hoy ay ka taliso haweeneey keliya. Masuuliyadda waaridnimo ayaa lagu hoorshay dugsi Quraanka. Kobtaas waxaa ka dhaca kooxaysi iyo danwadaag dhexmara carruur waaridkoodu gudan waayay waajibaadka baaxadda weyn ee carruur korinta debeddu leedahay.

Duruufahaas waxaa laga dheefay carruur Soomaaliyeed oo jeelasha buuxdhaafiyay, qaar maandoorriye dillooday oo nolosha uga dhaadhacay, qaar xagjirnimo haleeshay oo maydkooda warbaahintu u tebisay hooyooyinkood iyo qaar dhimir la’ oo dalkii loo celiyay. Waxaa marag-ma-doonto noqotay dadyowga kale oo dhallaankooda ka waaniyey la saaxiibka dhallaanka Soomaaliyeed. Dad baa idbaaray iskuullada ama xaafadaha Soomaalidu ku badan tahay. Waxaa kale oo dhacda in qayb ciyaalsuuqoobay loo diray “dhaqan celin” kolka waaridku ladi waayey barbaarin habboon. Magacxumada curatay waxay gaartay heer Soomaaliga u heellan waxqabasho uu Soomaalida ka gees ahaado oo iskaashi la yeesho shisheeye ay isku dan, aragti iyo ujeeddo yihiin maadaama shimbir ba shimbirkiisa la duulo. Dhallaanka Soomaaliyeed kol haddii hooyadood sabool tahay oo dhashay carruur ay dhaqaale ahaan awoodin ee aabbihii tusaale tixraac mudan ahayn ee deegaanku aasaas ahaan dhantaalay la yaab ma leh duuflaalnimadu. Ababinta lagu kala horrumaray waxay jeexday laba waddo oo mid saaqiday u sugtay utin iyo dibjirnimo mid ka kale na baramoosay oo yahay kii jeebbayn lahaa oo jeelka gayn lahaa saaqidka.

Waa in diiradda la saaro oo meel looga soo wada jeesto arrimahaan si xal loogu dabiibo. Waa muhiim in dhammaan bulshada debedda ee Soomaaliyeed u hoggaansanaato hogolastaamayn toolmoon oo tibaaxsan wanwanaagsanaanta Soomaalinnimada. Waa in la badow-bixiyo dadka cusub ee la waaniyo qaarka nolosha ku wareeray ee kor laga yeelo magaceenna oo laga hortago kuwa dhooqeeya. Maxaa Soomaalida u diiday hanashada nolol hagaagsan? Waxaa jira hab Soomaalidu u fekerto iyo habka dunida kale u fekerto oo kala duwan oo kala fog, waxaa na hawaara dhaqangal gaashaanka ku daruuray dhabta nolosha oo dhaliyay “laba-xeraalennimo.” Laba-xeraale jeer wal ba qax buu ku jiraa oo dal iyo debed mid na kuma noolaan karo. Xeradii hore iyo ta uu yimid waa iskugu mid. Godobta waxaa u aanoobay guud ahaan magaca Soomaaliyeed, gaar ahaan na dhallaanka, sababta oo ah ayaga ayaa ku milan bulshada loo yimid. Tafaraaruqa bannaanka aawan afar qodob oo keliya ayaa lagu astayn karaa;

  1. Waxbarasho; aqoon kororsi lagu caano maalo oo aan ahayn istusnimo iyo wakhti dhammays, in badan baa iskuullo liita u aroora oo aan garwaaqsan aqoontii looga baahnaa
  2. Hawlkarnimo; Soomaali ka dhexmuuqata goobaha shaqada oo ka weecata xafiiska cayrta oo u heeggan waxqabad iyo hanashada liibaantii ay debedda u timid
  3. Lebbis habboon; haweenka ku lebbisan jawaan suugo leh ee u eg dad qarnigii labaad ka yimid waxaa la gudboon lebbis habboon,teendho luudaysa si ma aha, ankee Muslimka kale saas ma aha
  4. Daddhexgal; waxaa laga bartaa laylisyo waayoaragnimo oo waxtar leh, lagama giiryaaleeyo ee waa lagu dhiirradaa, waa na laga dheefaa gunaanadka

Xaaladaha debedjirku waxay bidhaamiyeen debeecadaha dalkii digaandigaanta ka dhigay. Waxaa aakid ah isqiimayn dadeed si dhib iyo dheef loogu kala saaro, gufaynta dulduleelka, iyo si wixii aan dadyowga kale uga dayan karno uga faa’iidno. Hor-u-socodnimo ma aha garaad qolo gooni u leedahay ama qolo kale marti u tahay. Dal aan dal kale u dayan ma horrumaro. Haddii aan qolo ku dayan jirnay oo natiijo wanaagsan aan laga soo hoyin ku-dayashada qolo kale waa tallaabo guddoon wacan. Debedjirka hungoobay waa in uu yeelo wixii la gudboon oo uu ku taabsan karo libintii uu debedda u yimid. Inta kale waa sheeko baraleey iyo maaweelo xaqiiqda liddi ku ah.

 

Mahad Kooshin

mahadkooshin@hotmail.com

 

 

Comments are closed