|

“Toban nin ayaa laga dilay kooxdii hubeysaneyd ee Qabsatay Dhismaha Westgate” Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya

Nairobi 25.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha guda ee dalka Kenya Joseph Ole lenku oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in hawlgalkii shalay la soo afjaray ee xarunta Westgate uu ciidanku ku dilay toban ka tirsanaa kooxdii hubeysneyd ee haalkasi

Joseph-ole-300x150Joseph Ole Lenku ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaan ku saabsan dhalashada maleeshiyadka ay ku dileen howl galka.

Wuxuu xusay in sidoo kale howlgalkii ugu dambeeyay ay ku qabteen 11 qof oo la tuhun sanyahay in ay ku lug leeyihiin weerarkii xarunta Westgage, kuwasoo su’aalo la weydiinayo.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhawaaqay in dalku uu gali doono saddex maalmood oo baroor diiq ah oo lagu muujinayo sida looga xun yahay  dadkii ku dhintay weerarka, taasoo maanta ka billaamatay dalka Kenya.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed