|

Deg deg : Falka ‘Westgate’- Nairobi- iyo Soomaalida ku nool UK

Waxaan saaka aroortii  ka dhegaystay BBC Radio 4  ee waddankan Inigriiska laga soo baahiyo weliba barnaamijka caanka ah ee layidhaahdo ‘ Today Programme’ war ku saabsan falka ka dhacay   Nairobi iyo dareenka dadka Soomaaliyeed ee ku nool waddankan UK.


Barnaamijkaa ka soo baxa BBC Radio 4 wuxuu socdaa ilaa saddex saacadood waxaana daadihiya ragga iyo dumarka ugu aqoonta badan dhinaca saxaafadda ee waddanka Britain ee uu ka midyahay saxafiga ruug caddaaga ah ee la yidhaahdo ‘ John Humphrys’ , wuxuuna socdaa ilaa 3 saacadood (6 subaxnimo ilaa 9 subaxnimo). Wuxuu barnaamijku soo jiita oo si caadi ah ula socda sida la qiyaasay ilaa 7 malyan oo qof oo subax walba si caadi ah u dhegaysta ( marka laga reebo maalmaha sabtiyada  axadaha) . Barnaamijka wuxuu soo jiitaa wax garadka waddanka (academics) ,siyaasiyiinta (politicians) iyo hormoodka bulshada reer UK guud ahaanba. Wuxuu ku caan baxay waraysiyo lala yeesho dadka hogaamiya waddnakan Britain ha ahaato xagga dhaqaalaha ama xagga siyaasadaba.

Barnaajkaas ahmiyadda intaas le’eg leh ayaa waxaa saaka oo taarikhdu tahay   (25/09/2013) ka soo baxay war uu siidaayey John Humphrys oo hordhaciisu ahaa ‘ in Somalida ku nool waddanka UK ay cudur daar (apology) ka bixisay falka  ka dhacay xarunta  ‘Westgate’ ee ku taalla Nairobi’. John Humphrys wuxuu la xidhiidhay rag ka dirsan ururo Soomaliyeed oo London ku yaalla qaarkood waxay ka dhawaajiyeen inay aad u baqayaan oo cabsi qabaan waxaa ka mid ahaa hadaladooda : ‘’ The Somali community is scared ‘’ iyo ‘’ The Somali community is afraid to speak out’’  . Ragga la waraystay (2 nin ) mid ka mid ah ayaa hadaladaas lahaa oo weliba ku hadlayey magaca urur  ku yaalla London.  Wuxuu kale oo ku daray inay arrintaas ka xunyihiin laakiin ma odhan cudur daar ayaan (apology)  ka bixinanyanaa haddaanu nahay bulshada soomaaliyeed eek u nool UK sida uu hordhaca warka John Humphrys ku muujiyey.

Aniga oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee UK ku nool kana mid ah dadka u dhuun daloola arrimaha bulshada Soomaalyeed ee ku nool waddankan Britain , waxaan caddaynayaa dad badanina dareenkaas ila qabaa inaan looga baahnayn wax cudur daar ah oo bulshada Soomaaliyeed ee ku ool halkan looga baahnayahay ama ay bixiso waayo arrintaas ka dhacday Kenya waxaanu kala mid nahay dareenka ay qabto bulsha wetynta reer UK oo aanu ka mid nahay anagoo ah muwadiniin ka tirsan waddankan. Wax cabsi iyo biqitaan aanu qabnaana ayna jirin .

Waanu ka xunnahay arrintaasu foosha xun ee dhacday angoo ku hadlayna dareenka ay qabaan  bulsha weynta reer UK oo ay meesha ku nafwaayeen 6 muwaadiniintayada ka mid ah. Dareenka aanu qabnaa waa dareenkaas kamana duwana ta reer UK wax noo gaar ahania majiraan.

Arrintaas waxaanu gaadhsiinaynaa warbaahinta waddanka UK anigu shakhsiyan waan la hadlay BBC Radio 4 anigoo muujinayaa dareenkayga kana raali ahayn sida warku u baxay .Qoraalkan waxaan uga jeeda in dadka Soomaaliyeed ee UK ku nool waddanka UK in ay ka fiirsadaan hadalada ay  warbaahinta siinayaan iyagoo weliba ku hadlaya magaca dadka Soomaaliyeed ee ku nool waddankan UK.

 

 Wabillaahi tawfiiq

Mahmoud Barreh

Xubin ka mid ah bulshada Soomaaliyeed eek u nool UK .

Comments are closed