|

”Weerarada argagixiso mana hanjebin doonaan” Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macallin

Nairobi 25.Sep 2013 (SDN)- Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in sare u kaca weerarada argagixiso ee ka dhacaya Geeska Afrika aysan sabab u noqonayn ciidamada shisheeye oo ka baxa Somalia.

Xoghayaha guud ee IGAD Mr.Maxbuub Macalin ayaa bayaan uu soo saaray maanta 25 Sep, 2013 ku sheegay in ciidamada nabad ilaalineed ee Midowga Africa wadada keliya ay Somalia uga baxayaan tahay marka xasilooni iyo nabadgelyo waarta ka dhaliyaan.

IGAD‘’Ha ogaadeen kuwa argagixisada ah inaysan han jebinayn urur goboleedka IGAD iyo dalalka xubnaha ka ah dadaalka ay ugu jiraan xasilinta Somalia, sidoo kale ma ku cabsi gelin karaan ciidamada AMISOM inay ka baxaan Somalia inta nabad laga helayo’’ ayuu yiri Macalin.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerar hubaysan oo lagu qaaday suuqa Westgate ee magaalada Nairobi kaasi oo sababay dhismaha 70 dad ku dhow iyo dhaawaca 190 ruux.

Beesha caalamka ayuu Maxbub Macalin ugu baaqay inay Kenya taageero dhan weliba ah I fidiyaan, isagoona sidoo kale amaan u soo jeedshay ciidanka Kenya kaalinta ay ka qaateen hawlgalkii Westgate.

Al-shabaab ayaa weerarka ku sheegtay mid jawaab u ah ciidamada Kenya ka jooga gudaha Somalia, inta ay ka baxayaan waxay ku goodiday kooxdu inay sii wadi doonto weerarada ay ka geysanayaan gudaha Kenya.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed