|

Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Ansixinta Xeerka Wadooyinka iyo Mudaharaadka ay Xisbiyada Mucaaridka ahi ku baaqeen

Hargaysa 25.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ee J S L mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir  Cukuse ayaa maanta xafiikiisa ugu waramay warbaahinta kala duwan ee dalka kana hadlay  siyaasada guud eee xukummada iyo xeerkii wadooyinka   ee dhawaan golaha wakiiladdu ay ansixiyeen,madaxweynaha J S L  uu dhaqan galiyay . Halka sidoo kalana uu halkaasi kaga jawaabay su aalo dhinacyo badan oo warabaahintu ay ka waydiisay

Wasiirka warfaafinta oo ay wehelinayeen wasiir ku xigeenka wasaaradaasi  md cabdi waaxid cabdi qaadir cabdiraxamaan iyo agaasimaha guud ee wasaarada cabdirashiid jibriil yuusuf ,ayaa sheegay in  uu u mahad celinayo  xilidhibaanadii ansixiyay xeerka wadooyinka oo uu ku tilmaamay mid faa”iido weyn u leh bulshada somalailand.

cukuseWasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay mudaharaad ay dabada ka riixayeen xisbiyada mucaaridk kaasoo ay doonayeen in lagu mudaharaado dhismaha guriga wakiilada ee dalka ,waxaanu nasiib daro ku tilmaamay talaabadaasi halka sidoo kalana uu wasiirku sheegay in gudoomiyaha lagu mudaharaadayay ee golaha wakiiladu uu ahaa gudoomiyaha xisbiga wadani,

wasiirku waxa intaa uu ku daray in xisbiyada mucaaridku ay xaq u leeyihiin in mudaharaad nabadgalayo ah ay dhigaan balse loo baahan yahay in la buuxiyo shuruudaha sharcigu ogol yay  oo ah in 48 saacadood ka hor wasaarada arimaha gudaha loo geeyo waraaqda codsiga iyadoo laba saaacadood ka hor ay xisbiyada mucaaridku geeyaan warqadadoodii codsiga qabashada banaanbaxa  wasaarada arimaha gudaha sidaana ay ansax ku noqon weyday.

Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay xeerka la ansixiyay faa”iidadiisa waxa u sheegay in uu yahay mid  saamaxaya in aynu ka maarano cid inaga caawisa samaynta wadooyinkeena  xeerkanina uu noqon doono mid cid kastoo rabta in ay wax inagala qabato samaynta wadooyinka aynu hor dhigi doono waxa aynu haysano, ummad kastaana waxay horumartaa marka ay ku tashato awoodeeda dhaqaale iyo tamarteeda .

Wasiirka warfaafinta  wacyigalinta iyo dhaqanka md cabdilaahi amxamed daahir cukuse  ayaa halkaasi kaga jawaabay su aalo badan oo warbaahintu ay waydiisay islamrkaana ku dardaaray warbaahinta kala duwan in ay ka shaqeeyaan dhinaca samaha iyo isu soo dhawaynta kana dheeraadaan wax kastoo khalkhal iyo madmadaw galinaya bulshada Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed