Asbaabta Al-shabaab u Doorbidday Inay Weeraraan Kenya
Baardhere:25-Sep-2013(SDN)-Kooxda Mintidka ah ee AL-shabaab ayaa mar hore Dawladda Kenya uga digtay inay ciidankeeda soo geiso Soomaaiya, waxana ay ku macneeyeen Gumaysi shisheeye.
Kenyaanka oo aan dheg jalaq u siin digniinaha Xarakada ayaa soo galay Soomaaliya waxaana ay xadhigga u sii dhuujiyeen heeryada gumaysiga Soomaaliya, iyagoo Gobollo gaar ahna taladeeda la wareegay.
Digniinta Xarakada ee ku aadan Kenya ayaa si dadban iyo si toos ahba u dareensiineysay Kenya inaanay qaadi karin masuuliyadda waxa ka dhalan kara faragelin ay ku soo qaadaan Soomaaliya.
“Dagaal waa dhiig… dagaal waa bur bur, dagaal waa daaraha dhaadheer ee aad ku faantaan oo dhulka gala iyo ganacsigiinna oo bur bura” ayaa kamid ahaa digniinihii xilkasnimo ee ay Kenya u direen kuwaasi oo uu si rasmi ah u jeediyey afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sh Cali Dheere.
Marka hadalka la xoo koobo Kenya waxaa ay qaadday koobka fashilka waxaana ay maanta guraneysaa midhaha dulmigeeda iyo tallaabooyinka Ka fiirsasho la’aanta ah ee ay qaadday.
Duullaanka Nairobi: “Inkastoo aan ay hore gudaha Soomaaliya dagaal ugula jirnay ciidamada Kenya haddana waxaa la gaadhay xilligii dagaalka dhexdiinna laga kicin lahaa oo loo soo weeciin lahaa Kenya” ayaa lagu yidhi war lagu faafiyay barta twitter-ka Xarakada waxyar kadib markii uu bilowday weerarka Westgate.
Kenya ayaa looga fadhiyaa inay ku sii dhiirato inay Soomaaliya ciidamadeedu ku sii sugnaadaan xilligaasi oo ay wajihi doonto weerarro ka daran amaba lamid ah kan hadda ka socda Nairobi iyo inay dib kaga soo ceshato Soomaaliya ciidankeeda Xarakada iyo shacabka Soomaaliyeedna faraha kala baxdo.
Si kastaba ha ahaatee weerarka Nairobi waxaa uu dadka Kenya ugu horeyn u geysanayaa Dhaawac iyo jab maskaxeed oo aanay ka soo waaqsan, sidoo kale waxaa uu u geysanayaa dowladda Fashil amni iyo jab dhaqaale oo aanay ka soo waaqsan.
Kooxda Al-shabaab ayaa iyadu haatan ku naalloonaysa guul hor leh oo caalamka oo dhami maanta hadal hayo, waxana ay haatan isku hubsadeen inay leeyihiin awood weyn oo ay meelo aan laga filaynin waxa ay doonaan ka hirgeliyaan.
Somalidiasporanews.com
Contact@somaldiasporanews.com.