Madaxweynaha Kenya Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Hayaan Tiro Dad ah Oo La Tuhunsan Yahay
Nairobi:25-Sep-2013(SDN)-Madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo xalay shirjaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada ku sheegay in Kenya ay ka guulaysatay agagixisadii soo weerartay xarun laga dukaameysto ee ku taalla badhtamaha caasimadda Kenya ee Westgate Shopping Mall.
Uhuru ayaa sheegay in uu fuliyay wacadkii uu ka qaaday shacabka Kenya oo ahaa in la jabiyo argagixisada ku sugnayd xarunta Westgate, isagoo guushan uga mahad-celiyay ciidanka ammaanka oo uu sheegay in ay muujiyeen geesinimo.
Wuxuu sheegay in hawlgalkii ugu dambeeyay lagu dilay shan katirsanaa kooxdii weerarka soo qaaday, gacantana lagu hayo 11 kale oo la tuhunsanyahay, isagoo sheegay in ay ku jiraan muwaadiniin u dhalatay dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka iyo kuwo kale oo ay ciidanka baadhayaan dhalashooyinkooda.
Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyay qaar ka tirsan hoggaamiyasha caalamka oo uu sheegay in intii uu socday hawlgalku in ay garab taagnaayeen, wuxuuna sheegay in shacabka Kenya uu muujiyay midnimo.
Uhuru ayaa ku dhaawaaqay in dalka uu geli-doono saddex maalmood oo boroor-diiq ah hoosna loo dhigi-doono calanka dalka Kenya.
Somalidiasporanews.com
Contact@somaldiasporanews.com.