Liiska Magacyada Xildhibaannadii Gawska Dhaafsaday Milgahoodii Saacidihii ugu dambeeyey ee Doodda
Hargeysa:25-Sep-2013(SDN)-Shalay waxa ay ahayd maalintii ugu badnayd ee tiradii ugu badnayd ee Xildhibaanno ahi soo xaadiraan Fadhiga ay yeeshaan Golaha Wakiillada Somaliland Oo Lagu sheego midkii ugu fadhiidsanaa uguna sharafta darraa ee Soo Marra Somaliland.
Sidoo kale Codayntii maalintii shalay ka dhacday Golaha wakiillada ayaa waxa ay Bulshada si toos ah u tustay sawirka dhabta ah ee ay leeyihiin xildhibaanada tirada badan ee ku xaraysan Golaha wakiillada Somaliland.
Xeerkan Horumarinta waddooyinka oo in ka badan Saddex Toddobaad Golaha horyaallay, ayaa ahaa mid si aad ah la iskugu khilaafsanayaa, iyadoo ay xusid mudan tahay sidii xoogga lahayd ee Golaha intiisa badani ay uga soo horjeedday intii Codayntu socotay.
Dhaqdhaqaaqyo badan oo ay xukuumaddu samaysay iyo maaliyad farabadan oo loo isticmaalay soo xero-gelinta Xubanaha wakiillada ah ee Xeerkan ka soo horjeestay ka dib, waxa gacanta lagu dhigay oo dhuuni-qaatayaal ceebaysan Noqday Intii Badnayd ee xildhibaanada Golaha wakiilladu ka kooban yahay.
Arrimaha ay Habboontahay in Bulshada loo caddeeyo, ayaa waxa ugu mudan in Badanaaba xildhibaanadii maalmo ka hor isku Bahda ahaa ee ku midaysnaa inay xeerkaas ansaxintiisa dagaal la geli doonaan in in yar mooyee intoodii badnayd noqdaana qaar door bida inay shilimo xaaraan ah sharaftoodii iyo milgahoodii ku beddeshaan.
Tirada Xildhibaanada ka soo horjeeday Xeerkan oo markii hore aad u badnayd, ayaa waxa ay yididiilo badan gelisay Xildhibaanada Daacadda ah iyo waliba shacabka Danyarta ah ee dhibaatada iyo culaysku ku soo socdaan oo filayey in xeerkan cudud lagu muquunin doono.
Xildhibaanadan Maalintii shalay Iska Diiwaangeliyey Buugga Madow ee Taariikhda Ma guuraanka ah lagu qoro, ayaa waxa lagu soo xero-geliyey Xeelado Qabyaaladaysan, kuwo qandaraasaysan, qaar dufanaysan, kuwa Balloodhaysan iyo kuwo lagu soo xero-geliyey in tiro badan oo ciddoodda ah shaqooyin sare loo siin doono.
Arrintan ayaa waxa ay bannaanka soo dhigtay in bulshada reer somalilnad ay codkooda ku keeneen kuwii gawracayey ee Noloshooda Halashaha iyo kulaylka u horseedayey, waxana Haatan la isweydiinayaa in shacabku dhacdadan wax ku qaadan doono iyo in kale.
Haddaba shabakadda wararka ee Qurbejoog.com oo Caan ku ah inay Bulshadeeda u soo Bandhigto Dulmi-yayaasha u soo kaca inay dhiigga dadkii soo doortay maalinba in yar cabbaan, ayaa waxa uu halkan idiinku soo Gudbinayaa Xildhibaanadii Saacadihii ugu dambeeyey ka baxay Ballantii iyo Axdigii ay kaga soo horjeedeen xeerkan, islamarkaana Sharaftoodii Gawska siistay.
Xildhibaanada Ayaamihii Doodda ee Laga soo Gudbay Aadka u qaylinayey, ayaa waxa la ogaaday in ujeeddadoodu ahayd sidii qayladaasi ay ugu goyn lahayd wax weyn, si loola Baayactamo.
Xildhibaanadan ayaanay isku mid ahayn waxa Qalbigooda ku jira iyo waxa ay afkooda ka sheeganayaan, waxana ay oggolaadeen in faro Guudkood danta la rabo lagaga dhamaysto.
Xildhibaanadii Haddaba sida xun ee Munaafiqnimada leh labada dhinac ugu kala dhex jirey ee Qolo waliba Colkeeda ku darsanaysay, waxa ay kala ahaayeen sidan.
1. Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas,
2.Xildhibaan Bashiir Tukaale,
3. Xildhibaan Muuse Hufane,
4. Xildhibaan, Xaashi Xuseen Caabi.
5.Xildhibaan Ibraahim Raygal.
6.Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale,
7. xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
. 8.Xildhibaan maxamed Saalax Cige.
9. Xildhibaan xuseen ismaaciil
11.Axmed maxamed nuur
12. Faarax maxamed Cabdile. (Guddoomiye-ku-xgeenka labaad ee waddani.)
13Cabdiramaan maxamed jaamac.
14.Cabdiqaadir askar.
15.Jaamac Xasan Aadan
16.Naasir cali shire.
Somalidiasporanews.com
Contacta@somaldiasporanews.com