|

Maraykanka iyo Qorshahiisa ku Aaddan Duullaanka Suuriya

Washington:31-Aug-2013-(SDN)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inaanu wali gaadhin Go’aankii rasmiga ahaa eek u saabsanaa tallaabada uu maraykanku ka qaadi lahaa waddanka Syria oo lagu eedaynayo inay isticmaashay hubka halista ku ah noolaha dunida.

 

obaamaMadaxweynaha ayaa hadalkan sheegay Jimcihii shalay, wax yar ka dib markii xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry uu isna sheegay in bahda sirdoonka Mareykanka ay kalsoonu ku qabaan wararka la tilmaamaya in Dowladda Syria ay fulisay weerarka dhacay todobaadkii la soo dhaafay.

 

Kerry waxa uu leeyahay daliisha ay muujineyso in in ka badan 1,400 oo dad reer Syria ah lagu dilay weerarka oo ka dhacay meel ku dhow caasimadda dalkaasi ee Dimishiq, kuwaa oo ay ku jireen ugu yaraan 426 caruur ah.

Dawladda maraykanka ayaa haatan hore ka sheegtay inaanay wax war ah xaqiijinaya isticmaalka hubkaas ka sugaynin xubnaha qaramada midoobay ee halkaas loo diray, waxana ay sheegtay inay ku kalsoon tahay warka sirdoonkeedu u soo gudbiyey, taas oo caddaynaysa inuu soo socdo hujuum militari oo waddankaasi lagu ekayn doono maalmaha soo  socda.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed