Xisbiga Ikhwaanka oo bedelay tabihii muduharaadyada iyo Ciidamada Masar oo ku dawakhsan
Qahira Aug 31,2013(SDN)-Xisbiga ikhwaanka ee talada dalka Masar laga faro maroorsaday ayaa haatan bilaabay in ay taageereyaashooda ugu baaqaan tab cusub oo ay isu soo baxyo ugu qabtaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.
Ikhwaanka ayaa halkii ay hore uga qaban qaabin jireen banaabaxyo baaxad leh oo keena isku dhacyo ay haatan abaabula isu soo baxyo kooban oo ay ku qabtaan goobo aaney ciidamadu ogeyn.
Isu soo bax ay shalay ikhwaanku ku qabteen Masar ayaa ahaa qaar ka duwan kuwii shicibka badani ku geeriyoodeen ee hore loo soo arkay.
Isu soo baxayaal aad uga tiro yar ayaa soo baxay shalay,waxaaney caqabad ku noqotay ciidamada oo filayay isu soo baxyo balaaran oo fagaare qura isugu yimaada.
Halka ay kumanaanba tageen dhawr goobood oo kal fog fog,si markaa aaney u iman isku dhac dhexmara ciidamada iyo taageereyaasha madaxweyne Morsi.
Masar ayaa waxa ku geeriyoodey ilaa dhawr kun oo ruux ka dib kolkii ciidamada dalkaasi ay taladii kala wareegeen madaxweynihii u horeeyay ee shicibku doorteen.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com