|

Maamulaha Baanka Somaliland ee Laamaha Bariga Oo shabakadda Qurbejoog Uga Warramay Lacago shilling Somaliland ah ay Geeyeen Ceerigaabo iyo Shacabka Oo Gacmo Furan Ku soo dhaweeyey

Hargeysa:31-Aug-2013-(SDN)-Saraakiisha Baanka Somaliland ayaa haatan ku foogan sidii Gobolka Sanaag looga beddeli lahaa Lacagta Giimbaarta ah, waxana la gaadhsiiyey lacag shilling Somaliland ah oo aad u tiro badan si shacabka doolarka haystaa ugu helaan qiime jaban.

giimbaarSaraakiil ka tirsan Baanka Somaliland oo uu Hoggaaminayo Maalulaha Baanka Somaliland ee Laamaha Bariga Cumar Cabdi Axmed (cumar xogogaal), ayaa lacagtaas qaaday, waxana ay halkaas ka bilaabeen qorshihii shacabku ku heli lahaayeen shilnka Somaliland si ay uga badbaadaan khasaare kaga yimaadda lacagta Giimbaarta ah oo si aad ah loo been-abuuray.

Cumar Xogo-ogaal oo isagoo hawlihiisa shaqo ka wada Deegaanka Ceeigaabo habeenimadii xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Shabakadda wararka ee Qurbejoog, ayaa sheegay in isaga iyo saraakiil kale oo uu hogaamkiminayaa ay muddo ka badan Tohan maalmood joogeen Gonolkaas, islamarkaan ay halkaas Geeyeen lacag shilling Somaliland ah oo ay ugu talo galeen shacabka Gobolkaas, “qaylo dhaan bishan badhtankeedii naga soo gaadhay oo la xidhiidha lacago foojari ah oo gobalka soo galay ka dib, waxan anigoo hogaaminaya koox khubaro ah 20-kii bishan aan imi ceerigaabo, waxana anigoo  fulinaya amar Guddomiyaha Baanku I siiyey oo ahaa inaan lacag soo qaado oo  aan ku dhaqaaqo tallaabo kasta oo lacagta Somaliland halkaas lagu gaadhsiin karo taas faalsada ahna laga riixi karo.” Ayuu yidhi maamule Cumar Xog-ogaal.

Maamulaha oo ka hadlaya tallaabooyinkii intaas u xigay ee ay qaadeen waxa uu yidhi, “intaas ka dib waxan aniga iyo kooxdii aan Hogaaminayey kulamo kala duwan la yeelanay Muumulka Gobolka, Guddida Nabad-gelyada Gobolka, Ganacsatada Gobolka iyo Sarriflayaasha, waxana aanu falanqaynay sidii shilinka Somaliland loo hirgelin lahaa,lacagta faalsada ahna meesha looga saari lahaa, iyadoo Gudddoomiyaha Baankuna shirarka talooyin badan ku lahaa.”

Maamule Cumar xogogaal oo faah-faahinaya wixii shirkaas ka soo baxay, ayaa yidhi, “waxyaabihii shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa in aanu baanka ka  hirgelino hab ay shacabku shilinka Somaliland oo qiimaha Hargeysa iyo Burco joogga  doolarkooda kaga heli karaan, maadaama aanu meesha geynay lacag ku filan, gaar ahaan dadka ganacsatada ah iyo sarriflayaasha.”

Waxa kale oo uu Maamule Cumar carrabaabay inay arrintaas ay haatan ku hawllan yihiin ku garab taagan yihiin shacabkii iyo ganacsatadii oo raadinay xalkii ay kaga bixi lahaayeen lacaga been-abuurka ah, waxana uu yidhi, “ dedaalkaa aanu wadno waxa nagu garab taagan oo nagu dhiirrigelinaya ganacasatii iyo dadkii shacabka ahaa oo raadinaya xal ay mushkiladda lacagtan giimbaarta ahi leedahay kaga dabaashaan, annaguna ma doonayno inaanu dadka amar uun ku soo rongo maadaama doolarkoodii iyo lacagtoodiiba waxaas ku jiraan, arrintana nidaam aanu aad uga fiirsanay ayaanu ku hirgelinaynaa.”

Tallaabooyinkan uu qaaday Baanka Somaliland ee Lagu dardar gelinayo sidii Gobolada Bari ee Dalka Looga saari lahaa lacagaha   giimbaarta ah, ayaa waxa aad ugu diirsaday soona dhaweeyey shacabka deegaankaas ku dhaqan oo la ildarnaa lacagtaas been-abuurku ku badan yahay, waxana ay wararka ilaa iyo haatan naga soo gaadhaya Gobolka Sanaag ay sheegayaan inay lacagtu si tartiib-tartiib ugu dhex fidayso shacabka.

 

Somalidiasporanews.com.

Axmed Cumar Axmed

Hargeysa/Somaliland.

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed